DSC_0021Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Safiir ku xigeenka Japan u fadhiya Kenya Deputy Ambassador Mikio Mori, oo dalka boqasho ku yimid.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay kulankaa ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka iyo Xubno wasiiradiisa ah, wuxuu uga xog waramay Safiirka Japan iyo wefdigiisa Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay, isagoo dhinaca kalena Warbixin dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo horumarka ay Somaliland ku talaabsatay 23 kii sanno ee ay jirtay.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu weftiga ku dhiirigeliyey inay xidhiidh ganacsi iyo mid dawladeedba la sameeyaan Somaliland.

 

 

 

 

Halkan Ka Dhegeyso Codka