Araweelo News Network
MadaxweynesilanyolastHargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah, kaasoo lagu falanqeeyey arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan bisha March ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inay kulankaas oo qabsoomay gelinkii hore ee shalay ka qaybgaleen madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, Guddoomiyaha Dalladda SONSAF, Agaasimaha Fulinta ee Akaadamiga Nabadda iyo Horumarka iyo saraakiil ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah.
“Madasha SONSAF oo ay ku bahoobeen ururrada madaxabannaan ee aan dawladda ahayn, (NGO’s) ururada haweenka, naafada, dadka laga tirada badan yahay, jaamacadaha, madax-dhaqameedka iyo culimaa’udiinka, ayaa masuuliyiinta wakiillada ka ahaa waxay halkaa ku soo bandhigeen warbixin dheer oo ku saabsan geeddi-socodka dimoqraadiyadda dalka, gaar ahaan doorashooyinka waqtigan xaadirka diiwaangalinteedu dalka ka socoto.
Waxay si luxdan u faah-faahiyeen doorashooyinka abaabulan ee la qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan horraanta 2017, kuwaasoo hadda codbixiyaashu isu diiwaangaliyaan iyo shaqooyin ka ay ka soo qabteen diiwaangalinta, wixii ay qabyo u arkaan iyo caqabadaha wixii mustaqbalka.
Waxa kaloo ay raaciyeen siyaabaha caqabadahaas u arkeen in lagaga gaashaaman karo.
Ugu horreyn, Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ah Guddoomiyaha Dalladda SONSAF ee ay ku bahoobeen ururrada bulshada rayidka iyo Mr. Maxamed Faarax Xirsi oo ah Guddoomiyaha Akademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland, ayaa uga mahadnaqay xukuumadda u hoggaaminayo mudane Axmed Maxamed Silaanyo sida ay uga go’an tahay kobcinta iyo horumarinta dimoqraadiyadda dalka. Waxa kaloo ay xuseen masuuliyiintan lacagta ay dawladdu ku darto kharashka diiwaangelinta codbixiyeyaasha inuu yahay mid inta badan culayskiisu ku dhaco xukuumadda, isla markaana xukuumadda Somaliland bixiso.
Waxay soo jeediyeen masuuliyiintu in la isku tashado qaran ahaan sidii doorashadu u noqon lahayd mid aynu u madaxbannaanahay ummad ahaan, kuna qabsoonta muddada aynu u qorshaysanayno.
Waxa kaloo ay ka mahadnaqeen sida madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiintiisa sareba u qaabileen, iyagoo sheegay inay tahay markii saddexaad ee madaxweynuhu qaabilo ururrada bulshada rayidka ah oo ay ku tilmaameen inay tahay texgelin iyo muujin wadashaqaynta xukuumadda iyo ururrada bulshada rayidka ah,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulankaas ka hadlay, ayaa ururrada bulshada rayidka ah uga mahadnaqay tallooyinka iyo xogaha muhiimka ee waddanninimo ee ay soo bandhigeen iyo guud ahaanba siday qayb uga yihiin dhismaha qaranka iyo geeddi-socodka dimoqraadiyadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirku wuxuu ka hadlay kharashka ku baxaya diyaargarawga doorashada, kana mid tahay lacagta diiwaangalinta codbixiyeyaasha, waxaannu yidhi; “Waxaynu nahay qaran gaamuray oo hadda 25 jirsaday. Waxa loo baahan yahay in aan isku tashi ka samayno kharashka ku baxaya doorashooyinkeenna iyo u diyaargarawgooda oo aan innagu lahaanno.
Waxa lagama maarmaan ah in miisaaniyaddeenna in ka mid ah sannad walba aan keydinno inaan ku darsanno qorshaha shanta sanno ee soo socda kharashka doorashooyinka inngaga bixi kara, si aan u helno doorashooyin aan masuuliyaddooda iyo kharashkoodaba innnagu leenahay oo aan u madaxbannaanahay.”
Sidoo kale, Wasiir Xaashi waxa uu tafaasiil ka bixiyey kharashaadka ilaa hadda xukuumaddu ku dartay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sida kharash ka soo baxay markii diiwaangeinta loo hakiyey abaartii iyo kharashaad ay keeneen sicir-bararka ku dhacaya lacagta Somaliland.
Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna fadhiga ka hadlay, ayaa ra’yi ka soo jeediyey qodobka ku saabsan sami-qaybsiga Golaha Wakiillada oo ay ururrada bulshada ku dareen warbixintooda, soona jeediyeen in talo qaran laga gaadho doorashada ka hor.
“Anigu waxaan odhan lahaa waa in Golaha Wakiillada oo qudha go’aan ka gaadhaan saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, waxay ka maaransiin waydana go’aamiyaan. Si kale oo dhan waxaan u arkaa inay adkaanayso in lagu heshiiyo saami-qaybsiga, waqtigeediina aan la joogin,” ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hadal kooban oo dardaaran u badan halkaas ka jeediyey, waxa uu ku ururrada bulshada rayidka ku boorriyey inay sii laban laabaan doorkooda geeddi-socodka nidaamka dimoqraadiyadda ee dalka.
“Waxaan u mahad-naqayaa Bulshada Rayidka ee Somaliland oo hawlo muhiim ah ka qabta nidaamkeenna doorasho. Waxaan kaloo aan idinku mahadnaqayaa warbixinta faahfaahsan ee aad iga siiseen hawlaha ina sugaya marka ay noqoto labada doorasho ee aynu qaban doonno horraanta sannadka 2017-ka. Bulshada Rayidka ah waxaan u soo jeedinayaa inay sii kordhiyaan doorkooda ku aaddan doorashooyinka iyo fududeynta arrimaha masiiriga ah ee qaranka,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.