Hargeysa(ANN)Kal-fadhigii 36-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2019, warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha  shaqo-gelinta, arrimaha bulshada & qoyska iyo Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda.

Sidaana waxa lagu sheegay war-qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland markii uu dhaammaaday kulanka Kal-fadhiga 3aad ee golaha Wasiirrada Somaliland, wxaana qoraalka lagu xusay in wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, Mawro Hinda Jaamac Gaani, oo ugu horayn goluhu warbixin ka dhegeytay,  ka hadashay  ahmiyada shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaraddeedu sannadkii 2018, xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura),  isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Sidoo kale, waxa lagu sheegay war-qoraalka in  Marwo Gaani,  ay sheegtay inay diwaangeliyeen ajaanibka ku sugan gudaha dalka, kuwaas oo tiradoodu dhantahay 1,546 (Kun, shan boqol iyo lix iyo afartan) ajaaniba sannadkii 2018-kii. Wasaaraduna ay siisay 212 (laba boqol, laba iyo toban) ka mida ajaanibkaasi ruqsada ogolaanshaha shaqo, ka dib markii ay wasaaraddu qiimaysay in shaqada ay qabanayaan aannu xirfadeeda qaban karin qof muwaadin ahi, waxa kale oo ay wasaaraddu u kur-gelid iyo sixitaan ku samaysay imtixaanaadka ay qaadaan hay’addaha ku sugan gudaha dalka, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamigaa, iyadoo wasaaraddu curisay xeerar dhawra oo qaarkood gebegebo ku dhaw yihiin, dar-dar gelin iyo dib u habayna ay ku samaysay guud ahaan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, waxaanay xustay in wasaaraddu ka jawaabto baahiyaadka uga yimaada bulshada.

Qoraalkaa, ayaa lagu xusay in  wasiir Marwo Hinda Gaandi ay golaha hor keentay qabyo-qoraalka xeerka xuquuqda carruurta oo golaha loo qaybiyey si kal-fadhiyada danbe loogu meel mariyo xeerkaasi.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Boosta, Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda Somaliland, Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa golaha u soo bandhigay siyaasadda maamulka ICT-ga dawladda Somaliland oo ay ka wasaarad ahaan markii u horaysay samayso siyaasad loogu talo-galay in lagu hago ICT-ga ( Information and communications technology) dawladda. Sida lagu sheegay qoraalkaa kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Wasiirku, wuxuu  sharaxay ujeedooyinka laga leeyahay diyaarinta siyaasaddani ay tahay, sidii loo heli lahaa tiknoolajiyad tayadeedu sarayso, ilaalinta bedqabka xogta dawladda, ilaalinta agabka lagu kaydiyo xogta ICT-ga dawladda, xoojinta iyo kor u qaadidda isku xidhnaanta dawladda, samaynta cilmi baadhisyo lagu horumarinayo ICT-ga dawladda, xakamaynta kharashka ku baxaya ICT-ga dawladda iyo kobcinta aqoonta, xirfadaha shaqaalaha ICT-ga dawladda, waxayna golaha Wasiirradu fadhigaa ku ansixiyeen siyaasadda maamulka ICT-ga Dawladda, ayaa lagu yidhi, Qoraalkaa, balse qoraalka laguma sheegin mawaadiic kale oo lagaga hadlay shirka golaha Wasiirrada Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland