Araweelo News Network

Boorama(ANN)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland , Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu dalka Somaliland ku leeyahay taariikh dahabi ah oo aan laga been sheegi karin.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena murashaxiinta xisbiga Wadddani ku hal xidhaaleeyey inay soo bandhigaan taariikh hawl qabad oo ay dalka ku leeyahiin.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khubad uu ka jeediyey khayriyada magaalada, Boorama halkaas oo ay isugu yimaadeen kumanaan ka mida taageeryaasha Xisbiga KULMIYE, oo ay kaga qayb qaadanayeen ololaha doorashada, waxaanu hadladii Wasiirk Xaashi ka mid ahaa “ Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee fagaaraha Boorama isugu soo baxay, dhammaantood waxaannu leenahay Asalaamu Calaykum Wa raxmatulaahi wa barakaatuhuu. Hadalku waa iska kooban yahay, Awdal iyo Kulmiye iskuma cusba, Awdal iyo Kulmiye miyey isku cusub yihiin? Waxa isku cusub waa la yaqaanaa, waa la yaqaanaa, reer Awdal iyo Waddani way isku cusub yihiin, laakiin Kulmiye iskuma cusba, todoba sanno ayuu dalka xukumayey, horumar ayuu Awdal ka sameeyey, nabaddii iyo dhibaaatooyinkii yaalay ayaannu xalinay, miyey maanta xabadi ka dhacaysaa Awdal?, Somaliland miyey xabadi ka dhacaysaa?, Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa, horumarkii Madaxweyne Daahir Rayaale halkan ka hirgaliyey iyo dalkaba waanu sii horumarinay, Nabaddii ay sameeyeena waannu sii wadnay, colaadihii ayaannu ka dhexqaadnay, waxaannu xidhnay kuwii jid-gooyooyinka galay, ayaa Kulmiye xidhay oo taageerayaashooda ahaa, oo maanta jeel ku jira, soo maaha?”

“ Waxaannu leenahay murashaxiiinta xisbiga Kulmiye iyo reer Awdal-na iskuma cusba, miyey isku cusub yihiin?, waxa isku cusub murrashaxiinta xisbiga Waddani iyo reer Awdal, Muuse Biixi iyo Awdal iskuma cusba, beenay waa run ayeynu leeynahay, Beenay waa run, Muuse Biixi ragga la tartamaya waa ka badsaday Awdal, Camuud ayuu dugsigii sare ka dhiganayey afar sannadood, geed geed iyo guri ayuu u yaqaanaa, way is yaqaanaan dhigiisa iyo faciisa oo dhan, malaa dhalinyarada ayuunbay isku cusub yihiin. Dhalinyaradana goormay is barteen?, Muuse wuxuu ahaa wasiirkii daakhiliga ee Madaxweyne Cigaal, wuxuu ahaa raggii colaadihii gobolkan yaalay dhameeyey, ragbaa taariikhda been ka sheegaya, wuxuu laba bilood jiifay Gaarisa, dhibaatadii Xeebta oo dhan wasiirkii madaxweyne Cigaal u xaliyey ayuu ahaa, markaa waxa aynnu leenahay laba bilood ayuu halkaana garowga ku cunayey, afar bilood ayuu jiifay magaalada aynnu joogno shir beeleedkii ka socday, oo uu ahaa raggii ka xalinayey qaabkii qaran madax-banaan loo dhisi lahaa, Gabiley ayuu bil fadhiyey isaga oo mushkilada Ceel-bardaale xalinaya, Muuse Muusahaa weeye, waala yaqaana Muuse, reer Awdalna waa yaqaanaa.”

Wasiir Maxamuud ayaa intaasi ku daray “ Cabdiraxmaan Saylici wuxuu ahaa xubin gollaha deegaanka Boorame, wuxuu ahaa muwaadin halkan ku koray, wuxuu ahaa nabaddii iyo horumarkii nin ka soo shaqeeyey, halkee ayey ka soo shaqeeyeen Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Cirro)? Xagee ayey Awdal ku leeyihiin? Hala soo baxeen maalin, car maalin hala soo baxeen, Awdal maalin ha kala soo baxeen, Sool ha kala soo baxeen, Sanaag ha kala soo baxeen, waar ninka wax khalda ayaa wax wanaajiya, ninka colaada yaqaan ayaa nabad dhisa, waxaannu leenahay Awdal soo Kulmiye maah,?, miyey Kulmiye ku hoogtay, soo Kulmiye kumay badhaadhin, Balanteenu waa Kulmiye.”