Kulmiye dhoolatusHargeysa(ANN)Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye iyo xukuumaddiisa, ayaa sameeyay dhoollatus balaadhan oo loogu quus-goynayo mucaaradka oo maalmihii u danbeeyay dhawaaqyo hanjabaad ahi kasoo yeedhayeen.
Munaasabad Xisbiga Kulmiye oo ahayd mid balaadhan oo muuqaalkeedu dadka xusuusiyay maalmihii saarka Kulmiye dadka wada saaqay ee dhawr sanadood ka hor xilligii uu xisbiga hoggaaminayay Madaxweyne Siilaanyo ee doorashooyinka dib u dhacayeen.

 

 

 
kulmiye dhoolatus2Muuqaalka astaanta xisbiga, ayaa hadhaysay munaasibaddaa oo maanta lagu qabtay Magaalada Hargaysa, waxaana ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin Axmed, Marwada Madaxweynaha, Xildhibaano, Xubno ka tirsan Xukuumadda, Xisbiyahano iyo boqolaal taageerayaal ah sheegay inay diyaar u yihiin doorasho ay ku tartamaan xili kasta oo ay gudiga doorashooyinku go’aamiyaan.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Munaasibaddaa iyo weedhihii laga jeediyay Riix .

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews