Muuqaalka Casuumad Xisbiga KULMIYE u sameeyay Suldaan Siciid Sul. Maxamuud Garaad Cali Shire

Muuqaalka Casuumad Xisbiga KULMIYE u sameeyay Suldaan Siciid Sul. Maxamuud Garaad Cali Shire

Hargeysa ( ANN)Xisbal-xaakimka haya talada Daka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa casuumad ku sagootiyay Suldaanka guud ee deegaanka bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Sul. Maxamuud Garaad Cali Shire oo muddooyinkii u dambeeyeyba ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku maamuusay Suldaan Siciid Sul. Cabdisallaan Casuumad qado ka dhacday maanta huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa , taas oo ay kala qayb galeen Suldaanka Odayaal kale oo wehelinayay, masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo kasoo jeeda deegaankaa iyo siyaasiyiin.
Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo hadal kooban ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa sheegay in aanay garanwaayin Xisbi ahaan inay maamuusaan suldaanka, balse ay ugu talogaleen in aanay cidi ka dambayn ee ay iyagu sagootintiisa qaataan,

Muuqaalka Casuumad Xisbiga KULMIYE u sameeyay Suldaan Siciid Sul. Maxamuud Garaad Cali Shire

Muuqaalka Casuumad Xisbiga KULMIYE u sameeyay Suldaan Siciid Sul. Maxamuud Garaad Cali Shire


“Aad baanu u soo dhawaynaynaa Suldaanka oo ah saldannada ugu guunsan Somaliland, suldaan adiga iyo odayaasha ku weheliyaba ambabax khayr qaba waxaannu idiinku ducaynaynaa ‘jidku toobiye, Qorraxdu dallaalimo,’ in Ilaahay idinku nabadgaliyo oo idinku nabad geeyo degaannadii aad ka soo kicitineen,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu tilmaamay kaalinta uu Suldaan Siciid kaga jiro Somaliland, waxaannu yidhi, “La iskuma cusba oo raggani waa kuwii horeba u wada joogay, suldaankuna waa suldaan ka mid ah salaadiinta reer Somaliland ah oo halkan hawlo fara badan ka galay, dalka oo dhana ka wada galay, suldaan waa dadkii aad suldaanka u ahayd oo ku leh waanu ku soo dhawaynaynaa, waanuna ku sii sagootiyeynaa.”

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka mahadceliyey casuumadda hoggaanka KULMIYE u sameeyey suldaanka, waxaannu ka garaabay dib-u-dhaca casuumaddan, waxaannu yidhi, “Runtii waxa jirtay oo aniguba aan xogogaal u ahay, Guddoomiyaha xisbiga (Muuse Biixi) iyo Maxamed Kaahin-ba way ku talo jireen oo way na soo waydiiyeen, waanay danaynayeen imaatinka suldaanka, waqtigiina wuu is qoray oo waataynu dagaallo badan soo galnay, waana maalmo wanaagsan oo soo maray xisbiga, iminka ayuun bay casuumaddii ku beegantay, waa sagoontin wanaagsan.”

Waxa kaloo uu ku dardaarmay in laga wadashaqeeyo dardargelinta hawlaha qaranimo ee dawladda iyo xisbi ahaanba, “Markaa Isha Allaah waxaynu ahaanaynaa dad isu-maqan oo waxa qabanaya bariga iyo inta halkan joogaysa meel ma kala jirtee mabaadi’dii dawlad ahaan iyo xisbi ahaan iyo dardargelintii Madaxweynuhu ku dhawaaqay in halkii laga wado oo dadaalka la libinlaabo waa lagu ballamay, Isha Allah nin walibana dhankiisa wuu ka soo bixi doonaa,” ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Suldaanka guud ee deegaanka bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Sul. Maxamuud Garaad Cali Shire oo muddooyinkii u dambeeyeyba ku sugnaa magaalada Hargeysa, ayaa la filayaa inay dhawaan u ambabaxaan deegaannada Bariga Sanaag ee ay ka soo kicitameen.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380