Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Xisbiga KULMIYE, ayaa mar kale soo saaray Liiska Xubnaha gollaha dhexe oo dhowaan la shaaciyay, isla markaana lagu war geliyay maalintii doraad in Arbacada isugu yimaadaan Huteelka Maansoor.

Balse mar kale waxay Hoggaanka xisbiga KULMIYE, soo saareen Liis kale oo ay sheegeen in  uu yahay ka rasmiga ah, kaas oo kasoo baxay baxay maanta  (25/10/2020)  hoggaanka xisbiga, isla markaana lagu sheegay in Liiska rasmiga ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka soo baxay Shirweynihii 4aad ee Xisbiga, kadib markii hubin iyo xaqiijin lagu sameeyey liiskii hore loo baahiyey.

Liiskan oo ka kooban xubnaha Golaha Dhexe ee ka yimaada Gobollada dalka, maayarrada iyo xildhibaannada xilka iyo doorashada kaga mid noqday Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa rasmi ahaan u saxeexay Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere).

Liiska oo dhammaytiran waa kan halkan ka eeg.