Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Xisbiga KULMIYE, ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabo ay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku hor istaageen in ardayda wax ka barata Jaamacadda TIMACADDE ee Gobolka Gabiley oo ka mid ah jaamacadaha qaranku leeyahay ka mid noqoto shaqaalaha komishanku u qaadan doonaan doorashooyinka madaxtinimo ee dalka ka qorshaysan.

Muxumed Aw Cabdi oo ka mid ah saraakiisha KULMIYE u qaabilsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inay Jaamacadda TIMACADDE ee magaalada Gabiley ka mid tahay toddobada Jaamacadood ee qaranku leeyahay, isla markaana ardayda dhigataa xaq u leeyihiin inay shaqaalaha hawsha doorashada maamuli doona ka mid noqdaan, isaga oo hoos u dhigay hannaanka uu xisbiga WADDANI arrintaas ku hor istaagay.

“Markasta oo uu Komishanku qabanayo doorasho waxa uu qaataa shaqaale laga qaato jaamacadaha dawliga ah ee aan gaarka loo lahayn, jaamacadaha dawladduna waa kuwo la yaqaanno oo kala ah, Hargeysa, Burco, Saaxil, Gabiley, Sanaag, Cammuud iyo Nugaal oo Laascaanood ku taalla, shaqaalaha laga qaadanayaana waa wada reer Somaliland, shalay (maalintii Isniinta) xisbiga WADDANI waxa ay deedafeeyeen Jaamacadda Gabiley ee TIMACADDE oo ay yidhaahdeen annagu jaamacad qaranku leeyahay uma aragnee Jaamacad beelaysan baanu u aragnaa, arrinkaasina waa mid WADDANI kasoo baxay, laakiin waxaannu leenahay qaranku waa isku wada mid, Jaamacadda Gabiley-na waa mid la ictiraafsan yahay,” ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.

Waxa kaloo uu farriin u diray shacabka ku dhaqan Gobolka Gabiley oo uu soo jeediyey inay maanka ku hayaan xaqiraadda WADDANI kula kacay jaamacadda TIMACADDE, “Reer Gabiley waxaan u sheegayaa ninka maanta leh Jaamacaddii Timacadde uma ictiraafsani jaamacad, shaqaalaha Komishankana ka mid noqon maayaan, annagu wuxuu Gabiley u soo wado garanmayno, waxay soo wadaan iska daayoo shaqaalaheedii bay diidan yihiin, in maanta WADDANI yidhaahdo jaamacaddaasi jaamacadaha dalka la xuquuq maaha waa ayaan-darro.”

Dhinaca kale, waxa uu siyaasiga Muxumed Aw Cabdi si faahfaahsan uga hadlay sharci-jebin uu xisbiga WADDANI ku kacay maalmihii la soo dhaafay iyo ku tumasho sharci oo uu ku xagal-daaciyey xeerarka anshaxa doorashooyinka oo saddexda guddoomiye xisbi dhawaan saxeexeen.

“Marka ay doorasho timaaddo tallaabo ku saabsan doorashooyinka qaranku xeer baa lagu dabbaqaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa, siiba WADDANI waxay caadaysteen in markasta oo xeer la la soo saaro oo guddoomiyeyaasha laga saxeexo in iyada oo aannu toddobaad ka soo wareegin xeerkii lagu tunto, imminkana iyada oo doorashadii foodda innagu soo hayso xeerkii hab-dhaqanka xisbiyada ee doorashadaas ayaa maalin dhawayd la kala saxeexday, maalintii taas ku xigtayna xisbiga WADDANI wuxuu ololihii iyo sharci-jebintiiba ka bilaabay gobolka Hawd,” ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.

Sidoo kale, waxa uu caddeeyey inay xisbi ahaan warqad ay sharci-jebintaas WADDANI ku kacay ka qoreen u direen guddida doorashooyinka qaranka, isla markaana ay u fadhiyaan jawaabta Komishanku arrintaas sharciga baalmarsan ee xisbiga WADDANI ku tallaabsaday ka qaataan, “Annaga oo sharciga ixtiraamayna, qarankana u tudhayna waxaannu Komishanka u qornay warqad, xisbiga WADDANI-na waxa uu ku kacay in gaadiid ay leeyihiin lagu dhejiyo calaamadaha KULMIYE u gaarka ah gudaha magaalada Balligubadle taasina waa dambi KULMIYE laga galay, amnigii xafiisyada KULMIYE ee magaalada Baligubadle ayaa halis la geliyey, xisbi ahaanna waxaannu u aragnaa inuu jabay xeerkii hab-dhaqanka doorashooyinku, Komishankana waxaannu uga fadhinaa inay go’aan cad naga soo siiyaan xeer-jabintaas uu WADDANI ku kacay,” ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.