Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi waayo aragnimo weyn oo siyaasadeed leh, isla markaana uu arrimo dhawr ah dheer yahay asxaabta kale.

Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in murrashaxiinta Xisibgia KULMIYE ay ka taariikh weyn yihiin, ragga dhigooda ah ee ka sharaxan asaxaabta kale, Mudane Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khubad uu ka jeediyey Beerta xoriyada magaalada Hargeysa halkaas oo ay isugu yimaadeen kumanaan ka mida taageeryaasha Xisbiga KULMIYE, oo ay kaga qayb qaadanayeen ole-olaha doorashada Madaxtinimada Somaliland, waxaanu yidhi “ Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee isugu soo baxay fagaaraha khayriyada caasimada qaranka waa boggaadinaynaa, waana u mahad-naqaynaa. Xisibiga KULMIYE maaha xisbi da yar oo layli ah, oo jaro barad ah sida xisbiyada qaarkood aynnu maanta loolamayno, waa xisbi guun ah, waayo arag ah, khibrad siyaasadeed leh, waxa taa idiin cadaynaysa sida xoogiisu isu soo tarayo, maalinba maalinta ka dambaysa ee taageerayaasha xisbiga KULMIYE banaan bax-yadooda iyo xamaasadoodu ay isu soo tarayso, ninka aan khibrada siyaasadeed lahayni orodka galinka hore ayuu daalaa, waxaannu leenahay KULMIYE iyo ruugcadaagii soo rogaal celi, waa sacaadihi ugu dambeeyey ninka aan khibrada siyaasadeed lahayni wuu neef-qabtoobaa oo waa daalaa, KULMIYE waa kuwaas taageerayaashiisu hafiyey gobollada dalka oo dhan.”

“ Xisbiga KULMIYE wuxuu kaga duwan yahay xisbiyada la loolamaya ee mucaaradka ah waa xisbigii tallada dalka hayey, KULMIYE wuu guulaystay, xukuumaddii xisbiga Kulmiye ee madaxweyne Siilaanyana way guulaystay, sidaa darteed Kulmiye soo doorashada guulaysan maayo?. Caasimada Hargeysa oo ay ku dhaqan-yihiin dadka ugu badan cod-bixiyeyaasha qaranka, maanta Kulmiye miyey canaanayaan, miyey hiifayaan, miyey haaraamayaan, sidee ayey ahayd todobada sanno ka hor caasimada Hargeysi?, Kulmiye wuu guulaystay shan hal oo kaliya ayaan tusaale u soo qaadayaa. KULMIYE wuxuu qabtay todobadii sanno mashruucii biyo ballaadhinta caasimada oo ahayd dhibaatada laga cabanayey ayuu xaliyey, waxa dhawaan dhammaan doona, mashruucii biyo ballaadhinta, dhawaan hal milyan oo qof ayaa caasimada ka cabi doona, soo guul maaha, maragiina Allah ah furo.”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray “ Magaalada Hargeysa dhibaatada ugu weyni waxa ay ahayd wadooyinka KULMIYE todobadii sanno 93KM oo wado ah ayuu dhisay, oo aan la dhisin sagaal iyo tobankii sanno ee qarankani jiray, Kulmiye wuxuu todobadii sanno ka hirgaliyey madaarkii caasimada ee la dhisay 1959-kii, ee dadkeenu ku dhibaatoon jireen, ee casarka galabtii Jabuuti laga soo daabuli jiray, caawa todobada habeenima ninka Ingiriiska ka soo duulaa, beri lixda subaxnimo ayuu ka soo degayaa, oo diyaaraha waaweyni ka soo degaan, soo guul maaha. KULMIYE wuxuu ku guulaystay caafimaadkii ayuu kor u qaaday, cisbitaalkii caasimada waa la qarameeyey oo waa la qalabeeyey, wuxuu ku guulaystay in cisbitaalkii caasimadu noqdo kuwa geeska Afrika ugu wanaagsan, wuxuu keenay dhakhaatiir ajanabi ah, daawooyin, iyo qalab, waxa la dhisay cisbitaalka Maxamed Aadan ee cusub oo noqday dhakhtarkii caruurta, oo qaliinada oo dhan lagu sameeyo, oo kuwa wadnuhu ka mid yahay, soo guul maaha.”

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena sheegay in KULMIYE uu wax badan ka qabtay caasimada Hargeysa waxaanu yidhi “ KULMIYE wuxuu sameeyey sadex iyo afartan xarumo dawladeed iyo wasaarado ah oo Ingiirskii ka tagay, oo quruxdooda iyo bilicdooda aad aragtaan, KULMIYE wuu guulaystay, shacbiga reer Hargeysa maaha dad caamo ah, maaha shacbi af-miishaaro khaldi karaan, maaha shacbi dilaaliini indho sarcaadin karaan, maaha shacbi bakooro qaba, waxa aynnu leenahay waxaas ayey arkayaan, mar haday waxaas arkayaan KULMIYE abaal gud iyo ciwad celin ayuu ka doonayaa.”

“Waxaan ku soo ururinayaa KULMIYE waxa musharaxiin ka ah hoggaamiyeyaal shirabadan, oo la tijaabiyey, waa khasnada ugu weyn ee aynnu maanta iibinayno, Kulmiye wuxuu wadaa barnaamij ballaadhan oo aan malo-awaal ahayn, ee xaqiiqda ku dhisan iyo qorshe qaran oo salka loo dhigay, ma hayaan xisbiyada mucaaridku, waxa aynu leenahay KULMIYE waxa murrashaxiin ka ah hoggaamiyeyaal qarankan dhismahiisii iyo nabadayntiisii ka qayb qaatay. KULMIYE waxa murrashaxiin ka ah hoggaamiyeyaal shiraban, hoggaamiyayaal dhiigooda shaybaadh lagu tijaabiyey oo aan shaashaysnayn, waxa aynnu leenahay Kulmiye ayeynu nahay.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.