MBiixi-300x229Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbal-xaafidka haya talada Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi, ayaa sheegay in siyaasadda xisbigoodu ku qotonto ilaalinta hantida ummadda iyo ta dadka danyarta ahba iyo weliba horumarinteeda.
Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlayey xaflad lagaga dhawaaqay qorshe ganacsato madaxbannaan kula wareegeen warshadda Laydhka ee Hargeysa, waxa uu sheegay in xisbigiisu aaminsanyahay ganacsiga xorta ah iyo dhawrista hantida shacabka, sidaasi darteedna nidaamka dawladdu gacanta ugu gelisay shirkado ganacsi korontada Hargeysa ay u arkaan mid keenaysa horumar dhinacyada adeegyada iyo dhaqaalahaba ah.
“Xisbiyada caalamku waxay ku kala aragti duwanyihiin siyaasadda dalka lagu maamulayo, sidaa darteed ka xisbi ahaan KULMIYE waxa uu aaminsanyahay in la ilaaliyo hantida ummadda iyo dadka danyarta ah, hannaankani waxa uu dan u yahay qofka adduunka leh iyo midka danyarta ahba.
Barmaamijkii xisbiga KULMIYE doorashada ku galay, haddana dalka ku hoggaaminayaa waxa weeye in suuqa ganacsigu xor ahaado, qofka bani’aadamka ahi inta Ilaahay ugu talogalay waa inuu dadaalo isagu oo uu noqdaa hal-abuure wax soo-saara, waayo Somaliland waxay u baahan tahay inay horumar dhaqaale samayso,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu ka digay saamaynta ka dhalan karta kooxo dhallinyaro budhcad ah oo rabshado ka sameeya magaalooyinka waawayn ee dalka waqtiyada habeenkiisa, kuwaas oo uu ku baaqay in si wadajir ah looga hortago.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dhallinyaro xoog leh oo fara badan oo dhinaca qalloocan u dhaqaaqday baa jirta, waa arrin aynaan dhaqan u lahayn oo aan ab iyo aabo toona Soomaali iyo Muslim toona u lahayn oo kufsi wadareed ka midyahay oo maanta xaafad walba iyo gidaar walba ka taagan.
Waxaannu arkaynaa magaalooyinka oo dhan inaanu odaygii telefoonkiisa habeenkii la carraabi karayn oo laga yaabo inuu inankiisii ka ammaan waayo.”
“Waxa dhacday Hargeysa in ninka la yidhaa Dr. Cali oo ah ninka cusbitaalka SHIFO sameeyay oo ah dhakhtar aqoonyahan, in isagoo masaajid ka baxay ciyaal is shiidayaa madaxa ku dhufteen oo lafta ku jabiyeen, toddobaadkan ayey arrintaasi dhacday iyo waliba boqolaal la mid ah.”
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu soo jeediyey in si wadajir ah dawlad iyo shacaba wax looga qabto dhallinyarada kooxaha ah ee dillaacday, “Waa la dhayalsaday arrintaas, Qaran ahaan waynu dhayalsanay oo waxa la yidhaa uun Boolisku ha qabtaan, hawshaasi mid boolis way ka wayn tahay, waa aafo soo korodhay oo cid walba ka faa’iidaysan karto. Rag xoog ah, is maamulay oo is abaabulay oo sidii hay’adaha u dhisan oo aan cidna u tudhayn baa soo kordhaya. Waxaynu u baahannahay arrintaas, qaranku wadar ahaan, golayaal, xukuumad, xisbiyo, culimo iyo ganacsato inaynu talo qaran ka yeelanno intayna arrintaasi halkaas dhaafin,” ayuu yidhi  Guddoomiyaha KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com