Araweelo News Network

dagaalkagaalkacayoGaalkacayo(ANN)Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga adduunka ayaa ka dayrisay xaalada magaalada gaalkacayo, iyadoo sheegaysa in 11 qof lagu dilay dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay dagaal muddo Todobaad ah u dhaxeeyay maamul goboleedyada Somalia ee Galmudug iyo Puntland.
Dad lagu qiyaasay ku dhawaad 50,000 oo qof. ayaa hay’addu sheegtay in ay ku barakeceen Dagaalkaa.

Xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ayaa kacsanayd tan iyo markii maamulka Galmudug ay ku eedeeysay Puntland in ay macluumaad khalad ah u gudbisay mareykanka oo markii dambe duqeeyay Ciidamo ka tirsan Galmudug, iyadoo Mareykanku sheegay in uu baadhayo dhacdadaasi.

Labadan dhinac ayaa sidoo kale ku muransan qaybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo oo u kala qaybsan labada dhinac.

Dhanka kale, ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa billaabay dadaal lagu joojinayo colaadda Gaalkacyo, waxa uuna socdaal nabadeed uga billowday maamulada Galmudug iyo Puntland oo ay u dhaxayso colaadda ka taagan Gaalkacyo.