Kuwait(ANN)-Xuukuumadda Dalka Kuwait, ayaa dalkeeda ka mamnuucday in laga soo dejiyo Cuntooyinka uga iman jiray dalalka Hindiya, Ingiriiska iyo Maraykanka, sidaana waxa ku dhawaaqay Mas’uuliyiinta dalka Kuwait, Talaadadii Todobaadkan.

Xoghayaha Guud ee Guddiga sare  ee badqabka Cuntada  iyo Hay’adda Dadwaynaha ee Cuntada iyo Nafaqada, Adel Al-Suwait, ayaa si cad ugu sheegay bayaan ay soo jeediyeen in Guddigu oo lagu  mamnuucay soo dejinta “Hilibka Buullaha ah” ee  sita calaamadda “Indian ALM” , “Kaas oo la soo saaray 1 Disembar 2018, si loo xakameeyo bakteeriyada ” E. Coli O157 “.oo laga helay, taas oo khatar caafimaad keeni karta.

Bayaanka  intaa ku daray in mamnuucistu ay ka mid tahay allaabooyinka kale ee Hindiya sababtoo ah heerarka sare ee sunta cayayaanka, oo ay ka mid yihiin Cuntooyinka shirkada Hindida ee “JAI ASHAPURA”, cuntooyinkaa oo ah kuwo bacriminta cagaaran ee cas iyo cidhiidhiga ee ay samayso shirkadda sidata calamadda “FATIN“.

Xayiraadda ayaa sidoo kale waxaa ku jiray shaaha loo yaqaan “HI-TEA”  oo ah mid si weyn loo amaani jiray, waxaa sidoo kale ka mid ah Badeecaddaha dalka Kuwait laga mamnuucay Bariiska ay soo saarto shirkadda ” JAYA RICE ” iyo sidoo kale cuntooyinka ay samayso shirkaddaas oo ah kuwa Caruurta.

Guddiga ayaa sidoo kale go’aansaday in la mamnuuco keenista “Jukulaatada aadka loo jeclaa ee “Waitrose” oo laga soo waarido Ingiriiska iyo caleenta California ee American “Orland”.

Qoraalkani, Guddiga Kuwait ma sheegin sababaha loo mamnuucay badeecaddaha dalalka British iyo Maraykanka, balse waxa qoraalka lagu xusay in Hilibka, Bariiska iyo Badeecaddaha kale ee dalka India ay saamayn caafimaad daro keeneen, isla markaana lagu arkay Bakteeriyo.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay Hay’adda u qaabilsan Cuntooyinka, ayaa sanadkii 2018,  ka digtay Cuntooyinka aan dabiiciga ahayn oo dunida ku keenay caafimaad-daro iyo xanuunoi.

 Bakteeriyada  (E. coli)  iyo sunta keenta E. coli (STEC) waa bakteeriy akhatar ah,  taasoo sababi karta cuduro ka dhasha raashinka ayay ku sheegtay WHO, warbixin ay soo saartay 2018.

Waxayna warbixintu ka digtay in Bakteeriyadu  u horseedi karto cuduro halis ah oo ay ku jiraan cudurka Hememolytic syamemic syndrome (HUS), gaar ahaan carruurta yaryar iyo waayeelka, iyadoo cuntooyinkaa ay ku jiraan Hilibka, Caanaha ceedhiin ee Boodhaha, khudraha iyo cuntooyin kale.