Xabsiga LaascaanoodLaascaanood(ANN)Dablay Hubaysan oo aan la aqoonsan tiradooda iyo kuwa ay yihiin, ayaa caawa caweyskii badhtamaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku khaarajisay marxuum Xasan Mahad Cabsiiye oo lagu naanaysi jiray(Xasan Buste)
Ninka Dhalinyarada ah oo ka mid ahaa dadka dareewaliinta ak ah Gaadiidka isaga goosha Hargeysa iyo Laascaanood, ayaa lagu toogtay Badhtamaha Magaalada Laascaanood Agagaarka Goolada oo ah Istaanka Gaadiidka yar yar ee u kala goosha Bariga iyo Galbeedka Somaliland.

Dilka, ayaa dhacay xiliga caweyskii ee qiyaastii salaada cishaa’i, sida ay shebekada warar ee Araweelo News Network ka hsehay dad kala duwan oo deegaanka ah, kuwaas oo sheegay in aan la aqoonsan cidii fulisay dilkaa oo goobta ka baxsaday, balse ay jirtay hanjabaado iyo ahadidaad marxuumku ka caban jiray oo dhinaca Isgaadhsiinta loo soo marin jiray, kuwaas oo sida ay sheegeen qaar ka mid ah eheladiisu uu la socod siiyay Hay’addaha amaanka Somaliland, balse ay ku guuldaraysteen inay wax ka qabtaan.
Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Gobolka Sool, ayaanay noo suurta gelin inay jawaab ka bixiyaan falkaa lagu khaarajiyay muwaadinkaa oo ahaa muqur maal, wuxuuna falka lagu khaarajiyay marxuumkaa ku abuuray bulshada gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood cabsi, iyadoo ay dad baddan xusuusan yihiin falal dilal qorshaysan oo mudooyin sanado ah hoy u noqday Laascaanood, kuwaas oo sanadkii u danbeeyay soo yaraayday.

Maamulka magaalada Laascaanood iyo amaanka magaalada, ayaa mudooyin u muuqday mid dib ugu noqonaya sidii uu ahaa sanado ka hor, waxaana Oct 2015, ay ahayd markii Xabsiga Magaalada ay ka baxsadeen maxaabiis ku xidhnayd, kuwaas oo qaarkood loo haystay denbiyo Culus iyo shirqoolo faldenbiyeedyo sanadihii u danbeeyay si taxane ah ugu soo noqo noqnayay magaalada laascaanood oo galaaftay daraasiin saraakiisha masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee gobolka ah.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380