Araweelo News Network

sadexdagudoomiyexisbiLaascaanood(ANN) Xaflad lagu daah-furay diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland ee ka bilaabmaysa Gobolka Sool iyo degaannada Buuhoodle, ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka xalay, ayaa lagu sheegay in diwaangelinta codbixiyeyaashu si rasmi ah uga bilaabmi doonto degaannada Gobolka Sool iyo Buuhoodle, Salaasada berri ee taariikhdu tahay 23 August 2016.
“Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo soo afmeeray diiwaangalinta shantii gobol ee hore haddana ku guda jira diiwaangalintii Gobolka Sool iyo degmo doorashada Buuhoodle.
KDQ oo runtii muujiyay dedaal iyo karti, kuna guulaystay habsami-u-socodka hawsha diiwaangalinta iyagoo gacan weyn ka helaya xukuumadda, saddexda xisbi qaran iyo shacabka ku nool gobollada iyo degmooyinka kolba hawshu ka socotay, maantana la soo gaadhay gobolkii ugu dambeeyay oo ah dhammaystirka diiwaangalinta codbixiyayaasha iyo geeddi-socodka hannaanka diiwaangalineed.
Komishanka Doorashooyinka oo muddeeyay diiwaangalinta Gobolka Sool ayaa maanta oo Axad ah, bishuna tahay 21/08/ 2016 (shalay) ku daah-furay magaalo-madaxda Gobolka Sool diiwaangalintii gobolka oo la bilaabi doono 23/08/2016.

Xafladda furitaanka oo ay ka qaybgaleen guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran, Guddoomiyaha Komishanka Qaranka iyo Guddida Komishanka Qaranka, masuuliyiin badan oo isaga kala yimi daafaha waddanka, madax-dhaqmeedka gobolka iyo bulsho weynta ku nool Gobolka Sool, siiba magaalo-madaxda Laascaanood.
Xafladdan oo aheyd mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay, farxad iyo soo dhawayn aad u diirrana laga dareemayey, waxa goobtaas ka hadlay masuuliyiin badan oo ka mid yahay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.
Gudoomiyuhu waxa uu u iftiimiyay bulshada Gobolka Sool xaqa dastuuriga ah ee dastuurku siiyo muwaaddin walba oo gaadha 16 jir maalinta codbixinta, xiskiisu dhan yahay in uu helo xaqiisa in uu wax doorto amma la doorto.
Sidoo kale, waxa guddoomiyuhu carrabka ku dhuftay in muddada diiwaangalintu soconayso gobolka ku filnaanayso bulshada “sidii gobolladii hore oo kale.” Sidaa dartee,d la iska ilaaliyo safafka dhaadheer iyo cidhidhiga ah.
Waxa kaloo Guddoomiyuhu uu ka codsaday bulshada reer Sool iyo Buuhoodle in ay ammaanka ilaaliyaan, soona dhaweeyaan ardayda la soo tababaray ee ka hawlgalaya diiwaangalinta, isagoo shacabka u iftiimiyay in komishanku u diyaariyay Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle gaadiidka, shaqaalaha, agabka, aqoontii iyo dhaqaalihii hawsha lagu fulinayeyba, una diyaar yihiin in diiwaangelin rasmi ah ka bilaabanto gobolka.
Gabagabadii waxa uu kula dardaarmay in bulshada Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ay ka ka faa’iideystaan fursadan oo ku xidhan horumarka gobolka, xildhibaannada gobolka iyo awoodda doorashaba.
Waxa sidoo kale madasha ka hadlay guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran (KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe), salaadiin iyo masuuliyiin badan, kuwaasoo farriin u wada diray bulshada Gobolka Sool iyo degmo doorashada Buuhoodle, kuna dhiirrigaliyeen bulshada inay is diiwaangaliyaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Mr. Siciid Cali Muuse.