Ceergaabo(ANN)Laba Baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah, ayaa ku qalibmay duleedka magaalada Ceergaabo oo markii u horaysay laga dhigay jid laami ah kadib markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo bilawday jidka dheer ee isku xidha magaalada Ceergaabo ee xarunta u ah gobolka Sanaag iyo gobolada galbeedka Somaliland.
Laba gaadhi oo mid xalay ku dhacay duleedka dhinaca galbeed ee magaalada meel qiyaastii u jirta 5km sida ay shebekada wararka ee Araweelo News Network u sheegeen dadka deegaanku wuxuu ahaa gaadhi xamuul ah oo siday Niista loo isticmaalo dhismayaasha, waxaana gaadhigaa ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay dareewalkii gaadhiga iyo laba qof oo kale.
Sidoo kale gaadhi kale oo xamuul ah ayaa ku dhacay galabta meel aan ka fogayn goobta, waxaana gaadhigaa oo siday shixnad xabagta Beeyada ah oo ka yimi dhinaca magaalada Gudmo ee gubanka ku dhintay hal qof, iyadoo dhaawacyo soo gaadheen 7 qof oo lab aka mid ah dhaawacyadoodu culus yihiin.
Dadka ku dhaawacmay shilalka labada gaadhi ayaa loola cararay Cisbitaalka magaalada, lama garanayo sababta shilalka keentay, balse waxa lagu macneeyay shilalkaa kuwo uu sababay jidka laamiga ah ee dhowaan laga sameeyay halkaa, kaas oo sababay in xawaaraha wadada oo raf ahayd ay markii hore ku socon jireen gawaadhidu uu kordhay, taas oo durba sababtay shilalka isku xigay ee ka dhacay duleedka magaalada Ceergaabo.
Dhinaca kale Magaalada Ceergaabo, ayaa markii u horaysay laga wadaa in wadooyinka magaalada ee muhiimka ah laga dhigo Laami, taas oo Maayarka Magaalada Ismaaciil Xaaji Nuur dhowaan bilaabay qorshe cusub oo wadooyinka magaalada lagaga dhigayo Laami, isla markaana dib u habayn lagu samaynayo bilicda magaalada oo laga nadiifiyay inta baddan dhismayaasha Sandaqadaha iyo Jaajuurka ah ee daadsanaa wadooyinka halbawlaha magaalada.
Qorshaha cusub ee Maayarka Magaalada Ceergaabo la yimi ayaa noqday mid ay dadku si weyn usoo dhoweeyeen, waana markii u horaysay ee tan iyo markii ay Somaliland lasoo noqotay xoriyadeedii 18 May 1991, bulshada magaalada Ceergaabo dareemaan qorshe lagu casriyaynayo wadooyinka magaalada, isla markaana lagu hagaajinayo bilicda magaalada si ay magaaladaa oo dib u dhac baddan ka muuqday ula tartanto magaalooyinka kale ee dalka.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.