Mayadadka Tahriibta ee lageeyay Cusbitaalka LibiyaZuwara, west of Tripoli(ANN) Laba Doonyood oo ay saarnaayeen ugu yaraan muhaajiriin gaadhay 500, ayaa ku haligmay Xeebta Biyaha Libiya magaalada Zuwara oo dhinaca galbeed ka xigta caasimada Libiya ee Tripoli.
Sida ay dadka deegaanku u xaqiijiyeen Weriyaha BBC-da Rana Jawad oo Woqootiga Afrika uga soo waranta BBC-da. Waxay labadaa Doonyood mid siday dad gaadhaya 45 qof, halka Doonta kale ay siday 450 qof.
Dadkaa oo ka mid ahaa muhaajiriinta ku qul-qulaya dhinaca dalalka Yurub, waxa 100 ka mid ah maydadka la helay loo soo qaaday Cusbitaalka Zuwara, iyadoo baadidoon loogu jiro mayaydadka boqolaal aan lahayn raq iyo Ruux.

Maydadka la helay, ayaa qaarkood la aqoonsaday wadamada ay ka yimaadeen, kuwaas oo u dhashay dalalka Syria, Bangladesh iyo wadamada saharaha ka hooseeya, balse weli war sax ah lagama hayo boqoolalka qof ee geeri iyo nolol aan lahayn dalalka ay u dhasheen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews