Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa maanta soo saaray laba wareegto oo masuuliyiin Xukuumadda ah xilalkii kaga qaaday mid kalena ku Magcaabay masuuliyiinta xilalka laga qaaday bedelkooda.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Labada wareegto ayaa kala ahaa sidan:

𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞

Ku: Muxumad Xasan Jaamac (Xoday)
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal.

Ku: Maxamed Daahir Cabdalla Gaafane
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil.

Ku: Axmed Cabdi Muuse
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag

Ku: Haybe Cismaan Muuse.
Xubin hore oo ka tirsan GuddidaTacliinta Sare.

𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐝𝐨: 𝐗𝐢𝐥-𝐤𝐚-𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢𝐬;

 

 

Mudanayaal ,

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranku dabcigoodu waa meerto iyo in hadba loo igmado cidda ugu habboon ee gudan karta waajibaadka saaran. Sidaas darteed, waxa aan go’aamiyay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad Qaranka u hayseen Waxa aan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad xilka hayseen iyo dedaalkii aad geliseen gudashada waajibaadka Qaranka. Waxa aan idiin rejaynayaa guul iyo horumar dambe.

 

 

Magacaabid Wareegto Madaxweyne

 

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Xilalkani u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka;

Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲;

laga bilaabo taariikhda maanta:

𝟏. In Cabdirashiid Xasan Mataan uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

𝟐. In Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

𝟑. In Maxamuud Raage Ibraahin Guuleed uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

𝟒. In Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi (Herer) uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh.

𝟓. In Cabdi Siciid Faahiye Allaale oo ahaa Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Salal uu ahaado Xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

𝟔. In Proff Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saraar uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Salal.

𝟕. In Cabdiraxiin Muxummad Axmed oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Daadmadheedh uu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Saraar.

𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡

_______________
𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨)
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝