Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Kulankii Golaha wasiiradu ku yeelan jireen qasriga madaxtooyada Somaliland oo tirsigiga kalfadhigiisu ahaa 222aad, ayaa maanta oo Khamiis ah oo taariikhdu tahay 20.07.2017, Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda.


Shirkaa oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa cod loogu qaaday ansixinta laba xeer oo kala ah

1. Ansixinta qorshaha horumarinta qaranka ee 2aad.

2. Ansixinta xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka.

Waxaanay goluhu ku ansixiyeen cod duuduub ah labadaasi xeer markii shirku soo xidhmayna waxa saxaafadda la hadlay wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta iyo afhayeenka madaxtooyada.