Xasan Guure iyo Jamaal
Hargeysa (ANN) Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ah diyaar u yihiin sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho la diwaangeliyey dadka codbixiyeyaasha ah.
Mr. Jamaal Cali Xuseen oo saxaafadda la hadlay, kadib kulan dhexmaray masuuliyiinta Madasha Wada-tashiga, labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, waxa uu caddeeyey in xeerarka dalku waajibiyeen in la qabto doorasho leh diiwaangelin.
“Xeerku waxa uu dhigayaa in la sameeyo doorasho diwaangelin leh, maantana durba waxay keenayaan doorasho bilaa diwaangelin ah ayaanu galaynaa, taasna waanu soo aragnay, haddii aad eegto labadii doorasho ee ugu dambeeyey, midina diwaangelin ayey lahayd, midina bilaa diwaangelin ah ayey ahayd, doorashaddii Siilaanyo kursiga ku fuulay diwaangelin ayey lahayd, isaga ayaanu ahaa ninkii u dagaalamayey ee ugu qaylada badnaa. Tii kale (doorashooyinkii golayaasha degaanka) ee uu isagu sameeyey markii uu xukunka fuulay waxay noqotay mid bilaa diwaangelin ah, codkii u dhexeeyey labadaas doorashana waxa uu ahaa 200 kun (laba boqol oo kun), waynu ognahay doorashadaasna wixii ka dhacay, kanbanigii soo daabacay waraaqihii codbixintana in lagu xukumay inay sameeyeen wax is dabomarin, halka ay doorashooyinka ka qabteena waxay ahayd Somaliland, haddii aynu ahaan lahayd dawladaha caalamka dawladeenu inay is-casisho ayey ahayd, laakiin taasi may dhicin, welina iyagii ayaa indho-adayg la soo taagan.”
Murrashaxa UCID, ayaa sheegay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin inay galaan doorasho diwaangelin leh, waxaannu yidhi; “Anagu doorasho ayaanu doonaynaa, diyaarna u nahay, doorasho ayaad xilka ku fuusheen, doorashaddii ayaana la idinka doonayaa inaad ummadda u qabataan, haddii aad qaban waydaana ummaddu way idin arkaysaa, waad ogtihiin dalal badan oo xoog leh ayaa markii ay shacabkoodu gadoodeen ayaar oo dhalatay iska tagay, ha moodina inaad xukunka ku haysanaysaan xoog, ummad ayaa idin dooratay, waxaana la idinka doonayaa inaad masuuliyadeedii qaadaan.”
Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xisbiyad mucaaridka ah iyo Madasha Wada-tashigu soo saari doonaan go’aanno la xidhiidha xaalada uu hadda dalka Somaliland marayo, waxaannu yidhi; “Labaa xisbi mucaarid iyo Madasha Wada-tashigu waxay soo saari doonaan go’aamo adag oo ku salaysan wacyiga jira iyo sidii dawladdu u samayn lahayd doorashooyinka xilligii ay ballanqaadeen oo ah 26-ka June 2015, wixii ka dambeeya shantii sanno way idinka dhammaadeen, waana sharci markaa wixii laga yeeli lahaa haddii aad idinku diideen wada-tashiga waxa dhici doona in la kala tashado.”
Waxa kaloo murrasahaxa UCID ku eedeeyey wasiirrada xukuumadda inay faraha kula jiraan ka hadalka arrimaha doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Maalmahan dawladda iyo xisbigeeda ayaa isku laba rogayey arrimaha doorashooyinka oo maalin walba qof ayaa jawaabayey, waxaanad moodaysay inuu is-dhex yaac badan ka muuqday, arrimaha doorashooyinka waxa loo xilsaaray Guddida Doorashooyinka Qaranka, iyaga ayaana ka hadli kara, laakiin nimankan wasiirrada ah ee shaqaalaha ee aan wax saamayn ah ku lahayn arrimaha doorashooyinka inay maalin walba halkaas isa soo taagaan, dadkana ku jaho-wareeriyaan sharci cusub, xukun cusub iyo wax aan la garanayn waa wax aan loo baahnayn, taasna waxa laga sugayaa madaxweynaha gadh-wadeenka u ah inuu aamuusiyo wasiirradan doc-ka-yeedhka ah ee ka hadlaya arrimaha doorashooyinka,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha kooxda la baxday Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mr. Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay in madashooda oo ay kub bahoobeen siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland iyo labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI maalmihii u dambeeyeey yeesheen shirar lagaga tashanayo xaaladaha dalka Somaliland.
“Maalmahanba waxaa jirtay is waraysi iyo wada-tashi laga leeyahay xaaladda waddanka, waynu ognahay halkay marayso xaaladda dalku, Somaliland waxay ka kooban tahay dhexda iyo labada dacal. Waxaynu ognahay labadii dacal waxa ka dhacaya, iyadoo ay muuqata in afartii sanno ee xukuumadda Siilaanyo talada haysay dagaal ka socday degaanno ka mid ah bariga Somaliland, dhinaca galbeedka dhawrkii bilood ee u dambeeyey xaaladaha ka taagan waynu ognahay, haddaan wax laga qabanna halkay ku biyo shubayso waynu ognahay,” ayuu yidhi Xasan Guure.
Waxa kaloo uu wasiirrada xukuumadda ku eedeeyey in aanay gudah waajibaadkii loo dirtay, dambina ka galeen qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Qolyo wasiirro ah oo istirin-tircinaya oo leh waxaas la qaban maayana waan arkayay, in waxaas la qabto iyo inaan la qaban waxay ku xidhan tahay in xilkiina aad gudataan iyo in aydaan gudan, waxaanna muuqata inaad gudan waydeen, haddii aad gudan waydeena in la idinku eego ummadda ayaa dambi galaysa oo dambiga aad leedihiin ayaa la idin la galayaa.”
News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews