lacaglagudoonsiiyaygudidawadadaceeragaabo
Hargeysa(ANN)Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xirsi oo ay weheliyan gudida Wadada Ceergaabo, ayaa gudoomay lacag ay dhismaha wadada usoo direen Jahliyaddaha Somaliland ee Sweden iyo Bingham ee cariga Ingiriiska.
Deeqda lacgata oo dhamayd $11, 500 Jahliyada Swedan ee Somaliland soo dirtay iyo $25,400 jahliyada Somaliland ee Binghum ee cariga Ingiriisku soo dirtay, waxay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubnaha gudida heer qaran ee wadada Ceergaabo sheegeen inay soo gaadhay, waxayna uga mahad celiyeen muwaadiniinta deeqdaa lacagta soo dhiibay, iyagoo dhinaca kalena ugu baaqay inay soo gudbiyaan dadkii lacagaha ku balanqaaday dhismaha wadada ee weli ay ku maqantahay.
Gudida ayaa sheegaty in wadada Ceergaabo hawsheedu meel fiican marayso, isla makaana ay rajaynayaan inay dhamaato oo la arko iyadoo wadadii dhamaatay, wuxuuna wasiirka Madaxtooyadu tilmaamay in qaadhaanka la ururiyo uu wax weyn wadanka ka tari karo haddii ay dadku is xilqaamaan, isagoo tusaale usoo qaatay wadada iyo halka ay maanta marayso. Sidaa awgeed wuxuu ku guubaabiyay in qof walba wixii karaankiisa ah uu kaga qayb qaato dhismaha dalka, gaar ahaan wadooyinka oo ay ugu horayso wadada Ceeraabo.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.