dhimashadaxujaajta01Mecca(ANN) Xukuumadda Iran, ayaa sii wada dhaleecayn ku wajaahan Xukuumadda Sucuudiga oo la xidhiidha dadkii Xujaajta ahaa ee dhintay masiibadii ka dhacday Xajka, iyadoo Boqortooyada Sucuudigu jawaab deg deg ah ka bixisay dhawaaqa Iran.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani oo qudbad uu ka jeediyay shirka Golaha Qaramada Midoobay oo ka socda New York, ayaa si kulul u dhaleeceeyay Xukuumadda Sucuudiga, wuxuuna hoggaamiyaayasha dunida ee ka qaybgalay shirkaa soo hordhigay in guddi baadhis madax-banaan lagu sameeyo dhimashadii Xujaajta, iyadoo Iran noqotay dalalka safka hore kaga jira tirada Xujaajta ku dhimatay shilkaa, isla markaana ugu yaraan 134 Xujaaj ah oo u dhashay Iran ku nafwaayeen.
Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud ee Iran, General Sayed Ibrahim Raisi ayaa sheegay inay dacwad ka dhan Masuuliyiinta Sucuudiga u gudbinayaan Maxkamadda Caalamiga ah. Sida lagu shaaciyay Wakaalada wararka Isna news agency.

Xukuumadda Sucuudiga, ayaa dhawaaqa iyo canbaaraynta Iran ku tilmaantay mid aan loo baahnayn, iyadoo Mufdiga ugu weyn Sucuudiga Sheikh Abdul Aziz bin-Abdullah al-Sheikh oo ay weheliyaan Masuuliyiin kale ka jawaabayay dhaleecaynta Iran, isagoo xusay in aanay ahayn arrin ay wax ka qaban karaan, balse amar Alleh iyo maqaadiir ku timi oo aanay baajin Karin. Sidaana waxa lagu shaaciyay wakaaladda Sucuudiga ee Press Agency (SPA)

Iran iyo Sucuudiga, ayaa khilaaf weyn oo la xidhiidha arrimaha dagaalka Yemen iyo kuwa mandaqada u dhexeeyaa, waxayna masaabida Xajka ka dhacday kusoo beegantay, iyadoo muran khilaaf weyn hore u dhex sabaynayay, taas oo sii xoojisay loolankii dhinaca siyaasada ee u dhexeeyay labada dal.

Tirada dhimashada Xujaajta masiibada dhacay Khamiistii oo noqonay tii ugu balaadhnayd ee ka dhacda Xajka 25-kii sanadood ee u danbeeyay , ayaa korodhay, iyadoo ay jiraan dad la raadinayo oo aan la hayn raq iyo ruux, waxaana weli la sugayaa natiijada rasmiga ah ee baadhitaanka Xukuumadda Sucuudigu amartay, balse waxa la xaqiiyay baadhitaanada hordhaca ah in mushkiladu ka dhalatay iska hor imaad xujaaj laba dariiq markii qayb ka mid ah kasoo leexatay dariiqii kale, taas oo sababtay khasaaraha oo noqday kii ugu badnaa ee ka dhacay 25 sanadood ee u danbeeyay. Sidoo kale waxa masiibadan lala xidhiidhiyay inay qayb ka ahayd Cimilada oo kulaylku meel sare gaadhay, iyadoo lagu qiyaasay 46C.

Tirada saxda ee dadka wadamada ay u kala dhasheen, weli si dhab ah looma kala ogaan, waxaana jira tirooyin is khilaafsan, iyadoo Iran noqotay dalka ugu baddan oo ay ugu yaraan 134, xujaaj ah kaga dhinteen.
Pakistan oo hore u sheegtay Dadka xujaajta ah ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee ka yimi dalkeeda, ama la waayay ay gadhayaan 236 xujaaj u dhashay dalka Pakistan, taas oo ka dhigaysay dalka Xujaajta ugu baddan khasaaruhu gaadhay, balse warbixinaha danbe ee aan weli rasmiga ahayn noqdeen tirada dhimashada Pakistan ee Xujaajta 11, iyadoo Iran noqotay dalka koobaad, halka dalka labaad noqday Morocco warbixinaha la hayo dadka Xujaajta kaga dhintay dalkaa oo ah 87, sida Warbaahinta Morocco laga soo xigtay.
Masar 37, ayaa lagu sheegay dadka dhintay ee Xujaajta ah, iyadoo dalka Niger ugu yaraan 19, lagu sheegay tirada kaga dhimatay. sidoo kale India, ayaa tirada dhimashada lagu sheegay 18.
Dalalka kale ee warbixinta hordhaca ah, ayaa ah sidan: Somalia 8 qof, balse lama hubo tirada waxa laga soo ururiyay Warbaahinta, Chad 11, Senegal 5, Algeria 4, Tanzania 4,Turkey 4, Indonesia 3, Kenya 3, Nigeria 3, Netherlands 1 iyo Burundi oo hal qof ah.

Khasaaraha u danbeeyay ayaa ah kii ugu xumaa ee ka dhaca 25-kii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo 1990, shil dhacay ay ku dhinteen 1,426, halka sanadkii 1994, waxa ku dhintay 270, sidoo kale 1987, waxa ku dhintay 402, halka sanadkii 2006, ay ku dhinteen Xujaaj gaadhaysa 364, halka sanadkan 2015, tirada dhimashada Xujaajtu gaadhay 796 iyo 934 dhaawac ah.

1921-kii tirada xujaajta ayaa ahayd 57, 000. sida ay sheegtay xarunta macluumaadka Sucuudigu (Saudi Central Department of Statistics and Information) isla markaana si weyn loo dareemay muslimiinta sanad walba soo kordhaya, iyadoo saddex sannadood ka hor gaadhay 3.2 milyan, taas oo muujinay korodh xad dhaaf ah, marka loo eego tirada xujaajta sanadkii 1921.

Korodhka Xujaajta ee sannadii u danbeeyay, ayaa khasab ka dhigtay in balaadhin lagu sameeyo Masjidka Maca Almukarama, waxaana Sanadkii u danbeeyay dawlada Sucuudigu qorshaysay in lasii balaadhiyo Masjidka oo lagu daray 400,000 square metres, taas oo u dhiganta (4.3 million square feet), iyadoo qorshuhu yahay inay hal mar waajibaadka Xajka ku gudan karaan muslimiin lagu qiyaasay dhawr million oo ka kala imanaya daafaha dunida. sidoo kale waxa la kordhiyay sannadkan 2015, dhinaca amaanka 100,000, kuwaas oo sugaya maanka, 25,000 hawlwadeenada Caafimaadka lagu kordhiyay iyo 100,000 air-condition si xararada kulaylka ee Cimilada aanay wax u yeelin xujaajta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 2 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 2 442 5380