araweelonews-300x168Mogadishu(ANN)Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid, ayaa shaaciyay Liiska xubnaha xukuumadiisa oo ka kooban 60 xubnood ooo isugu jira wasiiro, Wasiir ku xigeeno iyo wasiir Dawlayaal, kuwaas oo ay safka hore kaga jiraan xubnaha hore u galaaftay labadii Raysal Waasare eek a horeeyay, isla markaana lagu tilmaamo baalsha Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhawaaqa xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid xalay shaaciyay, waxa markiiba ka hor yimi dhawaaqyo canbaarayn ah, waxaana lagu tilmaamay in Liiska Magacyada Xukuumada Rayasal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku dhawaaqay aanay ahayn tii laga filyay, isla markaana ay noqonay xukuumadii ay ugu tirada badnaayeen kooxda Xasan Sheekh ee Daamul-Jadiid. Sidaa awgeed aanay waxba usoo kordhinayn bulshada Soomaalida.
Qaar baddan oo ka mid ah Xildhibaanada Somalia, ayaa ka hadlay aragtidooda magacaabista xukuumadda cusub, kuwaas ooh ore uga digay in Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid kusoo daro xubnaha sababta u ahaa khilaafka labadii raysal Wasaare ee ka horeeyay, balse raysal Waasaraha ayaa dhegaha ka furaystay dhawaaqyadaa, isagoo sida ka muuqata liiska u hoggaansamay awaamiirta Madaxweyne Xasan Sheekh. Kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu ganafka ku dhiftay qorshe uu watay oo la xidhiidhay xukuumadda cusub.
“Ragga hadda xukuumadda cusub kusoo biiray waa markii u horaysay ee ay soo wada galaan xukuumadda, waxay ku riyoonayeen ayaa u rumoobay maanta umana arko kuwii wadi lahaa xukuumadda, waxayna ka wadda socdaan koox keliya ee magaca aad doonto ugu yeedh” sidaa waxa yodhi Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Sandheere) oo ka mid ah xildhibaanada diidmada kala hor yimi xukuumadda cusub ee liiskeeda la shaaciyay.
Golaha Wasiirada ee Raysal Waasare Cumar Cabdirashiid ku dhawaaqay xalay saacadihii danbe 12 January 2015, ayaa ka kooban 26 Wasiir, 25 Wasiir ku xigeen iyo 9 wasiir Dawle, kuwaas oo ay ku jiraan xidigihii hore ee galaaftay labadii Raysal wasaare ee ka horeeyay Cumar Cabdirashiid, isla maraakana lagu tilmaamo baalasha Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno kale oo ka mid ah kooxdaa oo liiska lagu soo daray.
Liska Magacyada Xukuumada Rayasal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhamaystiran halkan ka akhri:-

1. Maxamed Cumar Carte Raysal Wasaare Ku Xigeen

2. Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Wasaaradda Caddaaladda

3. Cabdulqaadir Sh. Cali Ibrahim “Baqdaadi” Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

4. Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

5. Xuseen Cabdi Xalane Wasaaradda Maaliyadda

6. Maxamed Sh. Xasan Xaamud Wasaaradda Gaashaandhigga

7. Cabdirixman Ducaale Bayle Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga

8. Cabdullahi Maxamed Cali Wasaaradda Amniga Gudaha

9. Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada

10. Yusuf Macalin Amiin Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

11. Maxamud Cali Magan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga

12. Cabdiqadir Cabdi Xashi “Gaabane” Wasaaradda Arimaha Dastuurka

13. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasaaradda Korontada iyo Biyaha

14. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska

15. Cabdullahi Sh. Ismaacil Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

16. Maxamed Cumar Caymooy Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

17. Cabdalla Boos Axmed Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

18. Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” Wasaaradda Beeraha

19. Axmadey Sh. Mukhtaar Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada

20. Cabdiraxman Cabdi Cusmaan Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

21. Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

22. Khadiija Maxamed Diriye Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

23. Maxamed Mukhtar Ibrahim Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

24. Daauud Maxamed Cumar Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

25. Abuukar Cabdi Cusman “Mardadi” Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

26. Saciid Xuseen Ciid Wasaaradda Caafimaadka.

 

Magacyada Wasiiru Dawlayaasha

 

1. Cabdullahi Yusuf Alankey Wasaaradda Amniga Gudaha

2. Maxamuud Hayir Ibrahim Madaxtooyada

3. Khalid Cali Cumar Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

4. Maxamed Adan “Fargeti” Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga

5. Maxamed Cali Xagaa Wasaaradda Gaashaandhigga

6. Cabdullahi Maxamed Nuur Wasaaradda Maaliyadda

7. Xasan Maxamed Jimcaale Wasaaradda Arimaha Dastuurka

8. Burci Maxamed Xamza Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda

9. Caadil Sheegow Sagaar Xiriirka Baarlamaanka.
Magacyada Wasiir Ku-xigeenada

 

1. Cabdullahi Bile Nur Wasaaradda Caddaaladda

2. Cabdiraxman Kulmiye Xirsi Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

3. Saacid Xaji Maxamuud Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

4. Fahma Axmed Nur Wasaaradda Maaliyadda 5. Cabdalla Xuseen Cali Wasaaradda Gaashaandhigga

6. Mahad Maxamed Salad Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga

7. Ibrahim Yarow Isaq Wasaaradda Amniga Gudaha
8. Xaamud Cali Xasan Wasaaradda Waxbarashadda

9. Yusuf Xayle Jimcaale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

10. Sharif Maxamed Xasan Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga

11. Xaji Cali Sh. Maxamed Nur Wasaaradda Arimaha Dastuurka

12. Maxamed Kheyrow Maxamed Wasaaradda Korontada iyo Biyaha

13. Cabdullahi Colaad Rooble Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska

14. Xirsi Adan Rooble Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

15. Maxamed Cumar Geedi Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

16. Cabdishakur Cali Mire Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

17. Cabdirashid Maxamed Xiddig Wasaaradda Beeraha

18. Jamaal Xasan Ismaacil Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada

19. Sacdiya Careys Ciise Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

20. Cusman Libaax Ibrahim Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

21. Mumina Sh. Cumar Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

22. Saciid Jamac Maxamed Qaalib Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

23. Maxamed Axmed Abtidoon Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka

24. Abdinasir Gaarane Maxamed Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

25. Dr. Cusman Maxamud Dufle Wasaaradda Caafimaadka
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com