qoxootimacaluul
Buula-berde(ANN)Ugu yaraan lix qof ayaa la sheegay inay gaajo iyo macaluul ugu dhinteen degaanka Buullo-burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya, kadib markii sida la tuhusan yahay dagaalyahannada Al-shabaab go’doomiyeen degaankaas oo ay gacanta ku hayaan ciidammada dawladda Muqdisho.

Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in lix qof gaajo u dhinteen toddobaadkan, halka ay jiraan qaar kale oo silic iyo nafaqo-darro hayso, kadib markii Al-shabaab xidheen jidadka gala degaanka Buulo-burde oo ciidanka dawladda Soomaaliya la wareegeen dhowaan.

Waxa jira degaanno iyo magaalooyin gacanta dawladda Muqdisho galay bilihii la soo dhaafay, balse dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab go’doomin saareen, kana horjoogsadeen in ciddi gasho, cidna ka baxdo, isla markaana la gooyey jidadka gala degaannadaas.

Haseyeeshee, waa markii u horraysay inta la ogyahay ee la sheego in dad gaajo ugu dhintaan degaannada dawladda Soomaaliya maamusho, balse Al-shabaab saareen cuno-qabataynta, iyadoo ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladdu ku fashilmeen inay banneeyaan jidadka iyo waddooyinka u xidhan Al-shabaab.

Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com