Hargeysa ANN)- Lix shirkadood oo ku tartamaya dhismaha waddada loo qorsheeyay inay isku xidho Boorama iyo Lawya-caddo, ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulan lagu kala saarayo, isla markaana lagu furayo Documenti kala duwan ee ay soo xeraysteen lix shirkadood oo u tartamaya qiimaynta dhinaca farsamada ee dhismaha waddada, waxa ka qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, Maayirka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi, Guddoomiyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Md. Axmed Yuusuf, masuuliyiin kale iyo saraakiil ka socday lixda shirkadood ee isugu soo hadhay qandaraaskan.

Maayirka magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi oo kulankaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisayo waddada weyn ee isku xidhaysa degaannada Boorama ilaa Lawya-caddo ay tahay mid muhiim u ah dalka Somaliland iyo degaannada galbeedka dalkaba, waxaannu yidhi; “Waa wax lagu faani karo oo runtii Ilaahayna (SWT) loogu mahadniqi karo, iyadoo shirkad kasta oo ku guulaysata aannu si gacmo furan ah ayaannu kula shaqaynaynaa oo cidda Ilaahay u qoro ee awoodeeda iyo nidaamkeeda iyo shaqadeeduba u dhammaystiran yihiinna waxa aannu leenahay ha loo haneeyo.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac, ayaa isaguna sheegay in mashruucani yahay mid ballaadhan oo faa’iido weyn u yeelan doona Somaliland, isagoo xusay in dedaallo badan lagu bixiyey sidii maalgelinta dhismaha jidkan looga heli lahaa Baanka Horumarinta Afrika, taasna si fiican loogu guulaystay, waxaannu yidhi; “In maalgelinta mashruuca dhismaha waddadan la inoo soo daayo oo la ogolaado dedaal badan ayaa lagu bixiyey, iyadoo aannu in badan ka wada shaqaynay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo aan ogahay in dedaal badan ku jiro, waxaanan mar labaad u mahadnaqayaa dowladda Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu oo ah inay muhiimadda weyn siisay in dhinacyada wax-soo-saarka iyo horumarinta dhismaha waddooyinka.”

Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, Axmed Yuusuf oo ka xog-waramay marxaladaha kala duwan ee uu soo maray qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso jidkan isku xidhaya Boorama ilaa Lawyo-caddo, waxaannu yidhi; “Waxa aynu in muddo ah soo wada wadnay sidii aynu guulihii ugu dambeeyey uga gaadhi lahayn dhismaha waddadan isku xidhaysa Gobollada galbeedka Somaliland ama inta badan dalalka Bariga Afrika oo in badan saamaynaysa, waxaanna aynu hadda joognaa sidii loo kala saari lahaa lixdii shirkadood ee ugu dambeeyey ee tartankan isugu soo hadhay, waxaanan aynu maanta (shalay) furaynaa oo aad noo kala saaraysaan labadii fayl ee ahaa faylka khuseeya dhinaca maaliyadda iyo dukumantiga ah dhinaca farsamada.”

Maamulaha Mashruucan u qaabilsan Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Jimcaale Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in laba qodob oo midka koowaad yahay in aan furno dukumantiyada ama buqshadihii ay soo dhiibeen shirkaddaha tartankan ka soo qaybqaatay, kuwaas oo qaarkood soo direen, kuwa toos u keenayna ay jireen, sidaa awgeed shirkaddaha hortooda lagu furo. si ay u arkaan Documentiga oo ka kooban laba qaybood oo ah qayb dhinaca lacagta ah (financial) iyo qayb dhinaca farsamada ah (technical), si labada qaybood loo kala saaro oo midba meel loo dhigo.

Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-ayaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo kulankaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in dhismaha waddada isku xidhaysa Boorama ilaa Lawya-caddo ay hirgelinteeda si wada-jir ah iskaga kaasheen dalalka Somaliland, Jabuuti, Soomaaliya iyo Baanka Horumarinta Afrika, isagoo xusay in aanay Somaliland wixii horumar ah ee la bixinayo aanay uga maqnaan doonin Soomaaliya.

“Waxa aannu ku faraxsannahay oo aannu ugu mahadnaqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu gacan weyn ka gaystay inuu mashruucani hirgalo. Somaliland iyo Soomaaliya wadahadal ayaa u socda oo weli maynaan kala bixin oo la inama aqoonsan, laakiin taas macnaheedu maaha in wixii la xidhiidha mashaariicda horumarinta ee iskaga keen dhex jira oo Baanka Horumarinta Afrika ha bixiyo ama Baanka Adduunku ha bixiyee in aannu xaqayaga helno waa wax aynu xaq u leennahay oo haddii uu Somaliland ugu soo kordhayo hal kilo mitir oo waddo ahi in aan ku mitidno oo ku dedaalno waa wax aynu xaq u leennahay. Sidii uu sheegay Maayirku (Duq Boorama) runtii Wasiir Cabdillaahi Abokor nasiib ayuu u helay inuu isagu ku suntannaado jidkaas la hirgelinayo,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilladu.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ugu dambayntii kulankaas hadal ka jeediyey, ayaa si guud ugu mahadnaqay Baanka Horumarinta Afrika iyo cidkatsa oo gacan ka gaysatay hirgelinta mashruucan.

“In aynu munaasibadan isugu nimaadno aniga farxad gaar ah ayey ii tahay, waxaanan jecelnahay in marka koowaad aynu Ilaahay u mahadnaqno, marka labaadna waxa aynu u mahadnaqaynaa Baanka Horumarinta Afrika (Africa Development Bank) oo maalgelinaya mashruucan aynu maanta u joogno, sidoo kale waxa aynu doonaynaa in aannu u mahadnaqno cidkasta oo ka qaybqaadatay hawshani inay inoo suurtogasho, iyadoo maanta (shalay) isugu nimid in aynu furno tartankii qaybta qiimaynta dhinaca farsamada (technical evaluation), waxaanna markii hore soo socday 63 shirkadood inay shaqadan qabtaan, markaa innaga oo raacayna siyaasadda Bangiga Horumarinta Afrika, liiskii dheeraa ee tirada badan ahaa waxa ku soo baxay lixdiinan shirkadood, markaa lixdan shirkadoodna mid ayuun baa ku soo bixi doonta oo hawshan ka shaqayn doonta,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.