Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)-in Ka badan 60 Askarta Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa lagu dilay Weerrar Al-shabaab ku Qaaday xero Millateri oo ku taal Duleedka Magaalada Boosaaso.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa Oo sida la xaqiijiyay ay ku dhinteen saaka waabarigii markii cutubyo hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ku taalla gobolka Bari.

Weerarkan oo bilowday afartii subaxnimo, waxayna Al-shabaab gudaha u galeen xerada tuullada Af urur oo 105 km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Wararka Ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in goobta dagaalku ka dhacay ay wali maydkoodu haatan yaallo goobtii lagu dagaallamay, waxaana ku jira Dadka dhintay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada daraawiishta ee Puntland.

Al-Shabaab waxay sheegatay in 61 askari ay ka dileen maamulka Puntland, dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan wali wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay xerada Af-Urur.

Cisbitaalka degmada Carmo ayaa waxaa la sheegayaa in la gaadhsiiyay in ka badan 20 askarta Puntland ka tirsan oo dagaalka ku dhaawacmay.