Araweelo News Network

Warbixin murugo badan oo laga diyaariyey dhakhtarad da’yar oo ka mid ahayd ku dhowaad 300 qof oo ku dhintay qaraxii Muqdisho

Marxuumada ka mid ahayd dadkii ku naf waayay qaraxa muqdisho

Muqdisho (ANN))- Masiibada ka dhalatay qaraxii ugu khasaaraha ballaadhnaa ee ka dhacay mid ka mid ah suuqyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho maalintii Sabtida ee toddobaadkan, ayaa galaaftay ilaa hadda inta la xaqiijiyey nolosha 276 qof oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida.

Dhallinyaro, odayaal, aqoonyahanno, ganacsato iyo dad kale, ayaa ka mid ahaa ku dhowaad 300 qof oo lagu dilay qaraxii ugu xumaa, uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya.

Dad badan ayey saamaysay masiibadaasi, waxana suurtogal ah in qof kasta oo Soomaali ah uu garanayo mid ka mid ah dadka ku dhintay qaraxaas ama ehel la yahay.

Haddaba, dadka ku dhintay weerarkaas naxdinta badan waxa ka mid ahayd Drs Maryam Cabdillaahi oo ahayd ardayad culuunta caafimaadka ee dhakhtarnimada ka dhammaysatay Jaamacadda Muqdisho, isla markaana u diyaargaroobaysay xafladdii qallin-jabinteeda oo ku beegnayd maalin kadib geerideedii.

Maryam waxay dhammaysay kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, xafladda qalin-jebinteeduna waxay u qorshaysnayd 15-kii bishan oo ku beegnayd maalin ka hor geerideedii. Balse maalin ka hor xilligii ay shahaadada heli lahayd ayey ku dhimatay qaraxii boqollaalka qof ku dhinteen ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Anfac Cabdillaahi Maxamed oo ay walaalo yihiin marxuumad Maryam oo murugo badan wejigeeda ka muuqatay ayaa warbaahinta u sheegtay, “Lambarkeeda ayaan wacay. Markii koowaad waa la iga qaban waayey. Waan ku celiyey, kadibna wiil baa iga qabtay, wuxuuna igu yidhi Ilaahay ha u naxariisto gabadhii lambarkan lahayd waa meyd, waxayna taallaa hudheel ku yaalla Isgoyska Soobe hortiisa.”

“Qoyskayaga oo dhan aad buu uga murugooday. Aniga waxa murugada igaga daran waalidkeyga; aabbe iyo hooyo. Alle qalbigooda ha u wanaajiyo,” ayey tidhi Anfac Cabdillaahi.

Marxuumad Maryan iyo walaasheed Anfac

“Aabbe wuu soo socday, wuxuu degganaa Britain, maanta [Sabtidii] ayuuna ku soo aaddanaa in uu Xamar ka soo dego, laakiin ma ay dhicin inuu nolol ugu yimaad inantiisii uu jeclaa ee geerideeda ayuu ku soo beegmay, gacmihiisa ayuuna ku soo aasay,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac.
“Maryam waxay ahayd qof ku deyasho mudan oo dadaalkeeda iyo hawlkarnimadeeda ay ku beereen inay jeclaato in ay dadka caawiso,” ayey tidhi Anfac oo labadeeda indhood ilmo qoysay.
Maryam waxay ka hawlgalaysay Cusbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna shaqada bilowday intii ay jaamacadda dhiganeysay.
“Waxay qorsheyneysay in ay bilowdo tababar ku saabsan takhasuska hooyada iyo dhallaanka iyo qalliinka la xidhiidha. Waxay doonaysay inay hawshaas ku dhaqaaqdo kadib xafladda qallin-jebinteeda. Waxay ahayd qof hammi leh,” ayey warbixinteeda ku soo afmeertay Anfac oo la dhalatay marxuumad Maryam Cabdillaahi oo ka mid ahayd dad ku dhow 300 qof oo ku naf-waayey qaraxyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay caasimadda dalka Soomaaliya.