Araweelo News Network

silanyoiyomuusebiixiHargeysa(ANN) Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo bandhigay saddex halyey oo uu caddeeyey inay yihiin tabarayaasha noloshiisa, isla markaana uu ku daydo inuu raaco dariiqooda.
Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey arday ka qallin-jabisay Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama shalay, waxa kaloo uu sharaxaad ka bixiyey siyaasadda oo uu iftiimiyey inay tahay halka laga hoggaamiyo dadka iyo dalka.
“Siyaasadda waxa aynu u qabnaa inay tahay beenaale, tuug iyo nin wax dhaca, markaa ninka la yidhaa waa siyaasi waa la caayayaa, haddana waxa aynu u baahanahay dadka yaa hoggaamiya, waa siyaasi, Madaxweynuhu waa ayo? Waa siyaasi, wuxuuna ka soo baxaa xisbi siyaasi ah, markaa kelmada siyaasi waa Afcarabi oo waa talo-qabeenkii, waana geedkii talada iyo halkii dadka laga hoggaaminayey, waxaynu u baahanahay in aynu helno taliyeyaal wanaagsan, aqoon leh oo Ilaahay yaqaan amma siyaasiyiin ah oo dadku waxa ay u baahan yihiin ku hoggaamiya,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
“Waxa aan u mahadnaqayaa saddex qof oo halkan fadhiya oo anniga noloshayda tababarayaal ii ahaa oo aan ku daydo;

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar


1. Waa Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar, waxaanan kaga dayanayaa oo aan ka bartaa inta aan aqaanay ilaa markii aan ardayga ahaa oo leeyahay samo-falka, mutadaawaca iyo ummadda u shaqayntooda, wuxuu ka mid yahay qofka keli ah ee nool ee xil baarlamaan iska casilay ee diiday oo weliba ku shaqaysan lahaa, albaab walbana ku garaaci lahaa si uu waxa uu doono uga qaadi lahaa carruurtiisa oo la odhan lahaa waa xildhibaankii ee u banneeya, wuuna iska casilay, isagoo yidhi ummadda ayaan u shaqaynayaa oo macallin ayaan noqonayaa, dadkana diinta ayaan barayaa, Ilaahayna ha ka jasaa’i siiyo ee waa tusaale wanaagsan oo lagu dayan karo.
Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed

Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed


2. Waa Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed oo macallin ayuu ii ahaa, haddana waannu wada tashan jirnay, isagoo markaa dhallinyaro ahaa, dardaaran ayuuna i siiyey oo annaga oo laba arday ah markii aannu tagnay Lafoole (Jamacad ku taala Muqdisho) wuxuu nagu yidhi; ‘adeerayaal, noqda macallimiin.’ Ninkii kale wuu ogolaaday, laakiin anniga ayaa diiday oo waxaan ku idhi annigu sarkaal ayaan doonayaa, kadibna 30 sanno kadib ayaan is aragnay, waxaanan ku idhi ‘macallin, maansha allaah, maad gaboobin weli.’ Wuxuuna igu yidhi sawnigii kula taliyey, haddii aad maalintii noqon lahayd macallin aqoontaada iyo noloshaadu way cusbaan lahayd oo maalin walba inan yar oo ardaydiisa la jooga ayaad noqon lahayd ee adigu dagaal, jabhad iyo buuq ayaad gashay ee maxaad ka haysaa maanta? Markaa waxa aan leeyahay waa tusaale wanaagsan oo waa taas ilaa maanta meel kasta looga mahadnaqayo.

3. Waa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Soddon sanno oo halgan noocyo badan leh oo hoggaamin leh oo buuq badan ayaan la joogay oo ka soo tababartay, weliba maan ahayn arday wanaagsan ee waxa aan ahaa mid dhib badan.

Waxa aan Axmed Siilaanyo ka bartay saddex wax oo kala ah;
• Axmed Siilaanyo maalintii uu Afweyne (Siyaad Barre) wasiirka u ahaa ilaa maanta waxa lagu yaqaan inuu yahay nin danta guud mooyaane kursi uu fuulay aannu kaga shaqaysan dantiisa gaarka ah, anniguna markhaati ayaan uga kacayaa oo kolayba waan ku dayanayaa in aan noqdo sidiisa, malaha wada noqon kari maayee.
• Axmed Siilaanyo waxa aan ka bartay in loo dhabar-adaygo halganka iyo duruufaha adag. Boqolaal jeer oo aannu ku jirnay halgano kala jaad ah, xaalado adag na soo mareen oo niyad-jab badan nagu dhacay, mar walba wuxuu odhan jiray ta aynu doonayno ee hiigsanayo aynu gaadhi doonaa oo ka fog ee ha niyad-jabin. Tusaale, maalintii aan ka quustay Axmed Siilaanyo ee aan is idhi dib ha u salaamin oo meel uu joogo ha u dhawaanin waxay ahayd maalintii la yidhi 80 cod ayaa lagaga helay KULMIYE (doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2003) ee uu yidhi waan aqbalay, maalintaas waxa aan is idhi dib ha u salaamin Siilaanyo iyo meel uu joogaba, waxaanan ahaa raggii ka duday, kadib habeenimadii ayuu ii yeedhay oo uu igu yidhi; haddii aynu noolaano way wanaagsanaan doontaa, haddii kale cid ayuun baa u iman doonta ee ummaddu waxay wax ku noqoyso ma diidi kartid. (Cadhadii aan qaaday) orodkii in aan fiiso doontay ayaan cararay ilaa Ingiriiska, kadib shan bilood ayaa inta aan soo cadho gooyey soo noqday oo aan idhi haddana waa na kan oo waannu ka hareer joognaa, markaa in samirka iyo naf-hurida taas loo yeelana waynu kaga dayanaynaa.
• Midna waan is weydiinayaa in aan kaga dayan karo iyo in kale, waana Madaxweynihii u horeeyey ee Afrikaan ah ee yidhaah annigu waan nasanayaa ee qolooyinka igu xigoow kaalaya oo soo socda. Ninka Afrikaanka ah waxa aynu ku naqaan waa wada Robert Mugabe (Madaxweynaha Zimbabwe) oo kale oo waa 92 sanno jir oo weliba haddana doonaya in imminkana loogu celiyo, Afrika oo dhan iyo Soomaalida waxa halkaas dhigay waa kursi-jacayl, (laakiin) Axmed Siilaanyo wuxuu yidhi hawlgab ayaan noqonayaa oo waan nasanayaa, Ilaahay idankiina waxa aan rajaynayaa in aan annigu taas kaga daydo oo aan tubtaas raacno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.
Waxa kaloo uu sheegay in saddexdaas halyey ee uu tilmaamay loogu abaalgudi karo iyadoo lagu daydo tubta iyo dariiqa ay raaceen, lana yeesho himiladooda, danta gaarka ahna laga horaysiiyo danta guud ee qaranka Somaliland.