Araweelo News Network.

 

“Waxa laga beensheegay qaabka uu u dhintay, deegaanka uu kasoo jeedo, sababta uu Askarigu u toogtay iyo gebi ahaanba qaabka ay wax u dhaceen.”Maamulka Jaamacadda iyo Ardayda.

 

Boorama(ANN)-Maamulka Jaamacadda Camuud (Amoud University)) ee Magaalada Boorama  iyo qaar kamid ah Ardayda waxa ka barata Jaamacadda ee kasoo jeeda deegaanka maamulka Puntland, ayaa si wadajir ah uga hadlay Wiil dhalinyaro ah oo shalay lagu toogtay guddaha Jaamacadda.

Allah ha u naxariistee Eng. Ibraahim  Cabdishakuur Ibrahim oo ahaa Wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 20 jir, isla markaana ka mid ahaa Ardayd shalay Jaamacadda ku galay Imtixaan, wuxuuse geeriyooday kaddib markii mid ka mid ah Askarta Ilaalada jaamacaddu ku toogtay afaafka hore ee Jaamacadda.

Marxuumka oo ka tisrnaa Ardayda Kuliyada Enjineerinka, ayaa sida ay sheegeen maamulka Jaamacaddu qiyaastii shantii galabnimo kusoo laabtay dhismaha Jaamacadda si uu Taleefankiisa gacanta oo uu soo ilaabay uga soo qaato, balse sida ay sheegeen maammulka Jaamacaddu askariga waardiyaha ka ahaa Jaamacaddu diiday In uu galo. Sidaana uu ku dhacay shilku.

Markii ay soo baxday dhacdadan naxdinta badan, waxa baraha bulshada lagu faafiyay warar aan xaqiiqdooda la ogayn, kuwaas oo sheegayay in wiilka Ardayga ahaa ee dhintay Marxuum Ibraahim uu xidhnaa dhar u midab eg calanka Soomaaliya ee Bulluuga ah, taasina ay sababtay in la dilo.

Hase yeeshe  Macalin Diiriye Maxamuud Jaamac, oo ah madaxweyne ku xigeenka xidhiidhka bulshada ee Jaamacadda Camuud, ee magaalada Boorama oo ay hareeraha ka fadhiyaan guddida Ardayda kasoo jeeda deegamada Puntland , ayaa sheegay in aannay waxba ka jirin wararka noocaas ah ee lagu faafiyay baraha Bulshada.

Balse, wuxuu sheegay in ay jirtay inay jirto xiisad kale oo ku saabsan in Ardayda dugsiyada sare ee magaalada Boorama qaarkood ay 26-kii June baraha bulshada soo dhigeen Arday ku lebisan calanka Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inay yihiin kuwa Jaamacadda Camuud, wuxuuse  si cad u xaqiijiyay in dilka Wiilkaa yare e Ardaygooda ahaa iyo arrintaa aannay wax xidhiidh ah ka dhaxayn.

“Waxa laga beensheegay qaabka uu u dhintay, deegaanka uu kasoo jeedo, sababta uu Askarigu u toogtay iyo gebi ahaanba qaabka ay wax u dhaceen, Askarigu meesha uu doono hakasoo jeedo, annaga waxba nagama gelin, ka dhintay waa Ardaygayagii.” ayay yidhaahdeen Macalin Diiriye iyo guddida Ardayda deegaanka Puntland kasoo jeeda ee wax ka barta Jaamaacadda Camuud.

“Waxaan Maamulka Jaamacadda (Amoud University)) iyo Macalimiintayada ugu tagnay in la saxo warar aan sal lahay oo ilaa xalay laysla dhexmarayay, kuwaas oo ahaa in “Ardayga la dilay uu Askarigu si aan ula kac ahayn ugaga dhacday xabadu iyo in ay isku deegaan kasoo jeedaan Askariga,” wayna naga aqbaaleen in la saxo” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Ardayda kasoo jeeda Puntland ee Jamaacadda Camuud.

“Siyaasad kale ma jirto aan ka ahayn inuu telefoon ku soo ilaabay jaamacadda, inuu xitaa Puntland ka soo jeedo cidna ma ogeyn, ee waan galayaa Jaamacadda iyo ma galeysid ayaa la isku qabtay.” Ayuu yiidhi, Macalin Diiriye

Mid ka mid ah askarta ilaalinayay ayaa u diiday inuu jaamacadda galo, kaddib muran dhex maray ayaa sababay in askariga uu rasaas ku furo ardaygaa oo doonayay inuu soo qaato Telefoonkiisa gacanta oo uu kusoo ilaabay Jaamacadda, ayay yidhaahdeen Macalin Diiriye iyo Ardayda la hadlay warbaahinta.

 

 

Dhinaca kale, waxay sheegeen in hadda la xidhay Askariga dilka geystay, isla markaana la doonayo in cadaalad la mariyo, iyadoo ugu baaqay qoyskii iyo Ehelkiisa oo sida ay sheegeen la sugayo in ay is dejiyaan, waxayna Bulshada usoo jeediyeen in ay wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ee lagu faafiyay Barasha Bulshada iska ilaabaan.

Muuqaalka Ka Daawo Maamulka Jaamacadda Camuud iyo Ardayda Deegaanka Puntland oo ka Hadlaya Qaabka Loo Dilay Ardayga

 

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com