Jigjiga(ANN)-Xasan Maxamed Xuseen oo ah madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga, ayaa sheegay in xisbiga haya talada Deegaanka ay shuruudo ku soo rogeen cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida.

Shuruudahani ayaa waxaa ka mid ah

1- in qofku uu haysto shahaadada koowaad ee jaamacadda.

2 in uu qofku leeyahay waayo aragnimo iyo khibrad shaqo.

3-in uu yahay qof bulshada sumcad ku dhex leh.

4- in uu yahay qof aan lagu soo eedeeyn musuqmaasuq.

Waxyaabaha kale ee shuruudaha ka mid ah  “in Aanu kasoo qayb qaadayanin hagardaamooyiinkii bulshada lagu soo hayay, mudadii Xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar.

Markii ay meesha ka baxday dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar oo isaga Xabsiga loo taxaabay, waxa gabi ahaanba meesha ka baxay maamuladii dagmooyiinka iyo goboladda, iyadoo dib u dhac ku yimi hawlihii iyo adeegii bulshada, Isla markaana wixii xiligaai ka dambeeyay maamulka cusub ma soo dhisin masuuliyintii hogaamin lahaa degmooyiinka iyo gobolada.

Balse xukuumadda cusub ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay dib u dhiska maamulka gobolada deegaanka uu ka kooban yahay ay ku jirto howsha iyo xulashada shaqsiyaadkii boosaska buuxin lahaa, sidsa awgeed dadka deegaanka looga baahn yahay in ay dulqaad muujiyaan maadama sida uu sheegay maamulku aanay suuragal ahayn in dowlad lagu dhiso labo toddobaad.