barlamaanka Somalia

Baarlamaanka Federaalka oo u codaynaya Mooshin photo file Araweelo News Network

Baarlamaanka Federaalka oo u codaynaya Mooshin photo file Araweelo News Network

Kismaayo(ANN)Maamul goboleedka Jubbaland ee xaruntiisu tahay magaalada Kismaayo ee Koonfurta Somalia oo Dawlada Kenya taabacsan, ayaa ku dhawaaqay inay gebi ahaanba cawda u jareen dawlda Federaalka Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud. Kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya maanta u codeeyay mooshinkii laga keenay Dhismaha Baarlamaanka Jubbaland oo maalmihii u dambeeyay kooram la’aan u baaqanayay.

Balse Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta buuq ku furmay kadib Xildhibaanada qaarkood oo diidanaa cod u qaadista mooshinka ayaa markii dambe si toos ah codka loogu qaaday mooshinka, waxayna 132 Xildhibaan u codeeyeen in mooshinka uu sax yahay oo dib loogu noqdo dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, halka ay ka aamuseen 4 mudane, 6 mudane ayaa diiday mooshinka, iyadoo 142 Xildhibaan kasoo xaadireen fadhiga.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxayna Xildhibaanada mooshinka keenay Baarlamaanka Federaalka soo dhoweeyeen natiijada iyo sida loo meel mariyay mooshinkaa.
Dhinaca kale Maamulka Jubbaland oo hore ugu hanjabay inay xidhiidhka u jarayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, haddii mooshinkaa Baarlamaanka Federaalku meel mariyo, ayaa ku dhawaaqay inay gebi ahaanba cawda u jareen dawlada Federaalka. Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku magcaaban Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba land.

“Maamulka Jubba land, wuxuu kalsoonidii kala noqday Dawlada Federaalka Somalia, kadib markii ay isku dayeen inay dumiyaan maamul sharci ah” ayuu yidhi Fartaag oo warbaahinta u akhriyay qoraal uu soo saaray Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Maamulka isku magcaabay Kismaayo oo dawlada Kenya taageerto.
Dhawaaqa maamulka Kismaayo, ayaa kusoo beegmay xili ay dawlada Somalia ee Federaalku ka qaylisay qorshe dawlada Kenya ku doonayso inay xadka u dhexeeya labada dal ka dhisto gidaar, kaas oo lala xidhiidhiyay mid Kenya ku doonayso inay ku boobtu dhulka Somalia maadaama aanay ka jirin dawlad awood leh oo maamusha gobolada, isla markaana maamul goboleedyada laga dhisay Somalia yihiin kuwo ay dawlado shisheeye samaysteen oo maqaar saar ah, kuwaas oo u addeegaya danaha dalalka shisheeye ee yagleelidoodii ka danbeeyay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.