Garoowe(ANN)-Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa uga digay shirkaddaha Shidaalka inay baadhitaan ku sameeyaan deegaamada ay maamulaan.

Maamulka Puntland, waxay fariin digniin ah u direen shirkaddaha caalamiga ah ee danaynaya soo saarista Batroolka Soomaaliya Bad iyo Beriba, kuwaas oo ay ku wargeliyeen inay ka fogaadaan heshiiska Batroolka Soomaaliya ( Petroleum Law ) oo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sexeexay todobaadkan.

War-saxaafadeedka kasoo Madaxtooyadda Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxa lagu sheegay sharciga (Petroleum Law) mid aan waafaqsanayn Dastuurka, sidaa awgeed aanay marnaba aqbalayn.

War-saxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan:-