KayMuqdisho(ANN)Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Mr. Nicholas Kay, isla markaan ah Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Saraakiisha Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa wada qorshe la doonayo in Ciidamo ka tirsan AMISOM lagu geeyo dhinaca magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamul goboleedka Somalia ee Puntland.

Sidaana waxa laga soo xigtay Mr. Nicholas Kay oo ah Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia oo sheegay in qorshaha ciidamada lagu geynayo maamulka Puntland uu yahay mid la doonayo in lagu xaqiijiyo amaanka shaqaalaha Hay’addaha gargaarka ee ka hawlgala deegaamadaa, kuwaas oo uu sida uu sheegay amaanoodu halis ku jiro. Kadib markii dhowaan qarax lala beegsaday shaqaalihii Hay’adda UNICEF, kaas oo ay ku dhimatay Haweenaydii madaxda ka ahayd xafiiskaa iyo shaqaale kale.

Hase yeeshee Maamul Goboleedka Puntland, ayaa gaashaanka ku dhuftay arrintaa, sida laga soo xigtay Xasan Cismaan Aloore oo ah Wasiirka Amniga Maamulka Puntland oo sheegay in aanay ogolaan doonin ciidamo ka socda Midowga Afrika oo la geeyo deegaanadda Puntland.

“Markii uu dhacay qaraxii Garoowe ayay hay’addaha Qaramada Midoobay cabsi muujiyeen, waxayna naga codsadeen in ciidamo AMISOM ah ay keensanayaan, balse waan ka diidnay”ayuu yidhi Alloore oo ah wasiirka ammaanka Puntland.

Deegaamada maamulka Puntland, waxa inta baddan ka dhaca duleedka magaalada Boosaaso dagaalo u dhexeeya Al-Qaidada Buuralayda Golis iyo ciidamada Puntland, iyadoo marar baddan magaalada Boosaaso gudaheeda weeraro ay ku qaadaan kooxo hubaysan oo ka mid ah kuwa ka dagaalama Buuralayda Sil-silada ee kulaalaya Boosaaso, taas oo xaalada amaanka Garoowe oo xarun u ah maamul goboleedka Puntland cabsi weyn ku abuurtay, balse qaraxii ka dhacay Bishii hore April Garoowe ee lala beegsaday Shaqaalaha Qaramada Midoobay, ayaa xaalada cabsi geliyay, kaas oo sababay in Qaramada Midoobay qorsheeyaan in cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM loo diro deegaamada Puntland.

Hase yeeshee waxa laga cabsi qabaa in haddii Ciidamo ka tirsan AMISOM lageeyo Puntland ay xaalada uga sii daraan, isla markaana ay taasi sababto in kooxaha Al-Qaida bartilmaameed ka dhigtaan deegaamadaa, taas oo saamayn ku yeelan karta xaalada amaanka deegaamada kale oo ka baxsan Garoowe. Sida Somaliland, Djibouti iyo Ethiopia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.