toogasho puntlandGaroowe(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul goboleedka Somalia ee Puntland Xasan Cismaan Aloore, ayaa cadeeyay inay fuliyeen toogasho lagu fuliyay 3 nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Mr. Xasan Cismaan Aloore, waxa sidaa ka shaagay mar uu maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland, wuxuuna ku dooday in ragga lagu fuliyay dilalka toogashada ah, ay maxkamaddi ku cadaysay eedaha denbiyada loo haystay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee sidan oo kale ay maamul ahaan dilal toogasho ah ku filayaan dad lagu eedeeyay Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay in denbiyo lagu helay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews