Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dhibaaooyinka, khilaafaadka iyo collaaduhu ku yeeshan horrumarka bulsho, ayaa sheegay  inaan wax horumar ah la gaadhayn inta dadku u fekerayaan qaabka qabyaaladaysan ee aanay u fekerayn qaab qaran.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay shalay munaasibada qalin jebinta dafcadii sagaalaad ee Jaamacada Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, wuxuu jeediyay khudbad si weyn dareenka iyo shucuurtooda  u dhaqaajisay oo ka turjumay waaqica dalka yaala,  taas oo uu kaga hadlay arrimaha Waxbarashadda, Caafimaadka, nabadgelyada , horrumarka qaranka iyo qodobo kale oo la xidhiidha halagankii dalka loo soo maray, raadadkii ay ka tageen dagaaladu iyo sida ay khilaafaadyada  siyaasadeed iyo collaadaha soo noq-noqday ee gobolka  Sanaag saamayn ugu yeesheen  arrimahaasi.

  Madaxweynaha, ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka  gobolka iyo collaadaha ka jira, wuxuuna  xusay in xabsiyada ay ka buuxaan Odayaal Cuqaal 80 Jir ah, taas oo sheegay inay sababtay markii gacan-ku dhiiglihii la badbaadiyay ee uu taageero ka helay dad qabyaalad ku taageeraya.

Mar uu Madaxweyne Biixi ka hadlayay arrinta Sanaag, wuxuu  tilaamay in arrintaa  Sanaag ay adkaatay, balse wuxuu xusay in mar kale arrintaa gobolka Sanaag si qran laysugu kaashanayo, sidoo kale wuxuu xusay in  arrinta Odayaasha Nabada ee gobolka Sanaag ka yimi ay kala shaqaynayaan xukuumad ahaan nabada iyo sidii xal loo heli lahaa, balse aan sharciga la dhaafayn si aanay dhibaato sharci jebin iyo dastuur jebin oo qaranka wax yeeshaa uga dhalan.

“Maanta waxay ahayd oo nacasnimo nagu ah, oo anniga iyo ina Kaahin nagu ah, oo inteena halkan fadhida ku ah in Muj. Axmed Mire ka maqnaado, waxay ahady inuu khudbadan maanta wax ka qaato, yaase  u diiday, waa khilaafka dhexdeena, maalintii Burco lasoo gelayay labadoodu way dhaawacmeen.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo shucuurtiisu is bedeshay, isla markaana uu kaga hadlay arrimo badan halkan ka Daawo.