Hargeysa (ANNt)- Allah haw naxariistee Maamulihii Dekeddaha Dalka DJabouti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo dhowaan halkaas loogu qaaday xaalad caafimaad, ayaa ku geeriyooday Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka Faransiiska.

Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha Djibouti, ayaa ahaa hormoodka Horrumarinta Dekaddaha Djibouti, wuxuuna ahaa shaqsi ku kalsoon himilada Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ee ahayd sidii dalkiisa iyo dadkiisu uga faa’idaysan lahaayeen istiraatiijiyada heer juquraafi ee ay ku taal Djiboti, iyadoo si heer sare ah uga faa’idaysanay bogcada ay ku taal dhammaan marinnada maraakiibta caalamiga ah, taas oo ka dhigeysaa Dekadda Jabuuti, dekada badeecadaha ganacsiga ee u gudbaya Bariga Afrika iyo meelo kale, isla markaana badeecadaha u dhoofaya dunida kale sida Yurub, Amerika, Aasia iyo Eeshiya, taas si weyn fursad ugu noqotay Dekedda Djibouti.

Maareeye Sacad, wuxuu jeexay 10-kii sano ee la soo dhaafay, qorshaha istiraatiijiyadeed ee horumarinta marinno gaar ah oo ganacsi, kuwaas oo lagu dhiirigelinayo maalgashiga iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. qorashahaa, ayaa sababay horrumarka, balaadhinta dhismaha dhulal cusub oo lagu balaadhiyay Dekedda Djibouti, iyadoo la sameeyay Terminalo kala duwan iyo aaga horumarineed ee cashuurta ka caagan (Free Zone)
Maamulka Dekeddaha Djibouti ee uu hormoodka u ahaa Maareeye Sacad, waxay muujiyeen sida ay Dekadda Jabuuti oo ka faa’idaysanay Istiraatiijiyada ay dhacdo si joogto ah u wanaajinayso awoodda iyo tas-hiilaadka adeegyada ay bixiso dekeddu si ay uga gaashaamato inay yimaadaan caqabaddaha ka dhalankara korodhka xamuulka xamuulka ee xawliga ah, isla markaana dayactirka kaabayaasha Dekedda mar walba indhaha loogu hayo.

Sidoo kale Maareeyaha Geeriyooday, wuxuu maamul ahaan u Ballan qaaday macaamiisha in ay ka dhignayaan adeega dekada ka ugu hufan uguna amaan badan gobolka. waxayna Maamulka Dekeddaha si cad u muujiyeen aaminsanaanta firfircoonaanta iyo hal-abuurnimada, iyagoo adeegsanaya teknoolojiyadda ugu wanaagsan dekeddaha Caalamka ugu horrumarsan, waxaana Marxuum Sacad Cumar Geelle u ahaa hormood dhammaan qorshayaashaa oo intooda badan hirgalay, isla markaana si weyn looga dareemay dalka Djibouti iyo Mandaqadaba.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadlay geerida Marxuumka, waxaanu isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dowladda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland uu dhambaal tacsi ah u diray Qoyska, Qaraabada, Ehelka, Asxaabta iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Djibouti oo uu ka tacsiyeeyey Geerida ku timi Marxuum Sacad Cumar Geelle, waxaanu Madaxweynuhu si gaar ah tacsi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku walaalkii ahaa.

Allah Haw naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa tobanaankii sanno ee u dambeeyey hayay xilka maamulka Dekedda Djibout, isagoo sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadda dalkaa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.