“Xisbiyada mucaaradka jidka keliya ee u furan waa,,,,,”Maayar Mooge

Araweelo News Network.

Ankara(ANN)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa ka hadlay mudaharaadka ay ku baaqeen labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, kaas oo ay xukuumaddu ganafka ku dhifatay.

Maayar Cabdikariim Mooge, oo ku sugan dalka Turkiga, ayaa wax laga weydiiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mudahaaradka ay qorshaynayaan labada xisbi mucaarad, wuxuuna tilmaamay in aannu qabin in mudaharaadku wax ka beddelayo tabashada mucaardkam, sidaa awgeed wuxuu soo jeediyay tallooyin la xidhiidha sida uu xalka muranka khilaafka u arko.

“Anniga Maayar ahaan waxa i saaran masuuliyadda ah in nabadgelyada iyo horumarinta Hargeysa oo dadkeedu nabad iyo walaalnimo ku wada noolaadaan, arrimaha laysku hayona, waxay u yaaliin saddexda xisbi, waxa loo baahanyahay inta ay qol hoosta isaga xidhtaan oo wada fadhiistaan in ay xal ka gaadhaan arrimaha laysku hayo, waxaan qabaa in aan ummadna laysu soo saarin.” sidaa ayuu yidhi, Maayar Cabdikariim Axmed Mooge oo ka hadlayay xaaladda cakiran ee ka taagn dalka iyo murranka u dhexeeya xukuumadda iyo labada xisbi mucaarad.

Maayarku, oo safar shaqo u jooga dalka Turkiga, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu khadka Telefoonka ku siiyay Weriye Luqmaan Maxamed Faarax oo ka tirsan weriyayaasha Telefishanka MM SomaliTV.

Cabdikariim Axmed Mooge, wuxuu sheegay in shirka uu ka qaybgalay ay kasoo qaybgaleen Maayarada dalalka Turkiga, Kosovo, Romania iyo magaalooyin kale oo Turkiga ah, kaas oo sida uu sheegay lagaga hadlayay doorka dawladdaha hosoe ku leeyihiin horumarka magaalooyinka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aannay wax cusub ahayn in mar walba oo doorashooyinku soo dhowaadaan uu yimaado khilaaf iyo murran, balse mar walba wadahadal iyo is faham lagu xalin jiray, “xisbiyadana jidka qudha ee u furan waa jidkaa, waxaana ku niyadsamahay in ay wadahadli doonaan oo xadhiga laysu debcin doono, marka ugu dambaysana sidaa caadada inoo ahayd ee dalkeena iyo dadkeena ee aynu kusoo caana maalay xal laga gaadhi doono.” sidaa ayuu yidhi, Maayar Cabdikariim oo la weydiiyay xalka khilaafka.

Sidaa awgeed wuxuu sheegay in uu isagu is weydiinayo, “maalin la mudaharaaday miyay xal u noqon kartaa arrimaha laysku hayo, jawaabtu waa “Maya”, markaa xisbiyada mucaaradka jidka keliya ee u furan waa wadahadalka, waa in ay sharciga ku kala baxaan, gollaha guurtida iyo cid walba oo awood u leh in ay wax isu soo jiidaan waa in ay isu soo jiidaan xisbiyada isku haya doorashada, waana in xalka lagu soo dhowaado, xalkuna wuxuu ku jiraa sidaa .” ayuu yidhi, Maayar Cabdikariim Mooge.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com