Hargeysa(ANN)-Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa, ayaa bilawday Barmaamij loo yaqaan E-governance, kaas oo tijaabadiisa laga bilaabay Degmooyinka Caasimada muddo laba bilood ka hor ah.


Duqa Caasimada Hargeysa, isla markaana ah guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa saaka kormeeray barmaamuj cusub oo laga hirgeliyey degmooyinka Magaalada, kaasoo ah diwaan cusub oo lagu kaydinayo xogta Dhulka iyo Cashuuraha.

Maayar Cabdiraxmaan SOLTELCO, ayaa kormeerkiisa ku sheegay in qaybo kamida lagu guulaystay oo lagu uruuriyey xogtii loo baahnaa.

Barmaamijkan oo ah nooca loo yaqaano E-governance, ayaa waxa tijaabadiisa la bilaabay muddo laba bilood ka hor ah, “hanaankani wuxuu inoo suurtogelinayaa in ay kala cadaadaan lahaanshiyaha Dhulka, kala iibsiga iyo macluumaadka kale ee muhiimka ah”sidaa waxa yidhi Maayarka oo wariyeyaasha kula hadlay Xafiiska Degmada Ibraahim Kood-buur maanta xilli uu ku jiray kormeerkiisa.

Sarkaal kamida howl-wadeenada mashruucan hogaaminaya ayaa isaguna sheegay in lagu guulaystay tijaabadii howshan, isla markaana ay sii wadayaan hawshaa oo waxbadan ka taraysa adeegyada ay bulshada u hayaan oo wax weyn qaranka u taraysa marka loo baahdo xogta.