Mr.SOLTELCOHargeysa(ANN)Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa soo saaray digreeto lagu amrayo in guri kasta oo caasimadda ku yaal wajahaddiisa lagu xidho laambad laydh oo qayb ka mid ah kor-u-qaadista bilicda iyo amniga magaalada.
Degreeto Maayir Soltelco soo saaray xalay, waxa uu sidoo kale shirkadaha korontada ku amray in degaannada ay maamulaan ka shidaan laydhka ammaanka, isagoo xusay in dawladda hoose laambado waaweyn ku ku xidhi doonto jidadka waaweyn ee Hargeysa.
“Duqa Caasimadda, ahna Guddoomiyaha Golaha Degaanka Hargeysa, isagoo ka duulaya baahida loo qabo nalaynta caasimaddda Hargeysa iyo kor-u-qaadista bilicda caasimadda Hargeysa iyo nabdgalyadda caasimadda Hargeysa.
Duqa caasimadda Hargeysa markuu arkay sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka goboladda iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee xeer No: 23/2002, qodobkiisa 40aad. Markuu arkay baahida loo qabo nalaynta caasimadda Hargeysa oo qayb libaax ka qaadanaysa bilicda iyo nabadgelyadda caasimadda. Marka uu arkay
in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo nalaynta caasimadda Hargeysa si kor loogu qaado bilicda caasimadda Hargeysa si aynnu ula tartanno caasimadaha dalalka aynnu daris-wadaagta nahay.
Markuu xaqiiqsaday inay waajib tahay in warshadaha laydhka caasimadda Hargeysa, meheradaha ganacsiga ee suuqa caasimadda Hargeysa iyo mulkiilayaasha guryuhu inay ka qaybqaataan hawsha nalaynta caasimadda Hargeysa. Markuu tixgaliyey talada masuuliyiinta ay khuseyso.
1. Duqa Caasimadda Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Degaanku markuu la tashaday cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka iyo aqoonyahanka, waxa uu go’aansaday arrimahan:
1. In guri kastoo Hargeysa ka mid ah uu sameeyo hal laambad oo wajahadda guriga ah si aad uga qaybqaadato nabadgalyada iyo bilicda caasimadda.
2. Dhammaanba meheradaha caasimadda Hargeysa waa in ay ku xidhaan hortooda laambad iyo biraha hortooda mara.
3. Dhammaan warshadaha laydhka caasimadda Hargeysa waxaan ku adkaynayaa in warshad walba shiddo security Light (laydhka ammaanka) goobaha ay maamusho.
4. Sidoo kale, waxaan farayaa Agaasimaha Waaxda Hawlaha Guud ee Dawladda Hoose ee Hargeysa in ay dhaqso u bilaabaan nalaynta waddooyinka kala ah:
(A) Waddada Madaarka caasimadda Hargeysa.
(B) Waddada Number One. (jidka weyn ee wadnaha caasimadda)
(C) Waddada Number Two (jidka dhinaca dambe ka mara Cusbitaalka Guud),” ayuu maayirku ku yidhi digreetadiisa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com