ishaarooyintrafficHargeysa(ANN)Maayirka Casimaada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay inuu ku hawlanyahay sidii uu Caasimada u qurxin lahaa, balse aanu ku mashquulsanayn siyaasad iyo Musharax.
Cabdiraxmaan SOLTELCO, oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, wuxuu ka hadlay ishaarooyinka lagu xidhay Casimaada Hargeysa ee (Traffic light) iyo sida ay u shaqnayaan, wuxuuna xusay inay ku jiraan Tijaabo.

Maayarku, wuxuu warbaahinta ka codsaday in dadka Ogaysiis ahaan si xidhiidh ah loogu baahiyo Ishaarooyinka wadooyinka, wuxuuna xusay inay maanta soo xidheen kal fadhigii 21aad ee golaha deegaanka Caasimada, isla markaana ajaandayaasha lagaga hadlayay dhamaantood la ansixiyay.
“waxa aanu dhaqaan galinaynaa isharooyinki oo maalmahanba sida aad la socoteen tijaabo ku jira oo toddoba cisho oo maanta Khamiis ah ka bilaamaya 1 Oct, 2015, ilaa Arbacada danbe.
wixii maanta ka danbeeya qofka ishaaro jiidha si toosa ayaa loogu gaanaxi doonaa oo ay ciidamada taraafigu uga haw geli doonaan.
isharooyinka hadda waxa aan ku bilaawnay lix isgooys waxa aan toddoobada cisho eegayna waxii farsamo la arko sida ay wadooyinku u kala muhiimsan yihiin, iyadoo aanu jecelahay in qof kastana rayigiisu ka soo dhiiban doono.”
Maayar Soltelco, wuxuu ugu baaqay bulshada reer Hargeysa aan in la ilaaliyo oo la dayac tiro, isagoo tusaale usoo qaatay Ishaarooyinkii kuwan ka horeeyay ee Maayar Cawl Cilmi Cabdalle markii u horaysay taariikhda ku xidhay Hargeysa, kuwaas oo la biliqaystay, isla markaana la jejebiyay.

“waxa aan aan leeyahay shacbiga waa hanti aad ledihiin, waxa lagu soo iibiyay cashuuurta la idiinka qaado ilaashada waa in aan cidi waxa yeelin.” Ayuu yidhi Maayar Cabdiraxaan.
sidoo kale waxa uu ka hadalay yegleelida Kaalmaha Shidaalka ee Caasimadda oo uu sheegay in la joojiyay, isagoo sabab uga dhigay meelo aanay ku haboonayn oo laga sameeyay.
“kaalmaha shidaalka si ku meel gaadh ah, ayaanu u joojinay ilaa la samaynayo xeerkii, kaalmaha meelaha khaldan ku yaala iyo Foostooyiin iyo bam yar la dhex dhigo magaalada dhexdeeda ma aqbalayno, umaadanu ilaalinayna, mana jiro qof samayn kara oo waxaan u saaray guddi” ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Hargeysa.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay goobaha Babuurta lagu iibiyo oo uu sheegay inay dhowaan u diyaariyeen dhul, waxa kale oo uu sheegay in la joojiyay dadka guryaha iyo qaadka suuqa faras magaalaha lagu iibinayo oo ay qorshe u samaynayaan, isla markaana ay hirgelinayaan Afar xero qaadka lagu iibiyo, kuwaas oo laga dhisi doono koonayasha magaalada.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay in aanu jirin loolan uu ugu jiro musharaxnimada Xisbiga Kulmiye oo rag baddani ku hirdamayaan, balse waxa uu sheegay inuu loolan ugu jiro sidii Caasimadda loo horumarin lahaa, wuxuuna isagoo su’aal la xidhiidha arrintaa oo la weydiiyay ka jawaabaya yidhi, ” anu loolan uguma jiro musharaxnimada Kulmiye ee waxan rabaa inaan casimada horumariyo, mana aha warkaa mid ay wax ka jiraan oo waa been”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Solteco.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380