Xuseen Sh abdirahmaan MaydhMaydh(ANN)Maayarka Degmada Maydh oo ka mid ah Magaalooyinka Taariikhiga ah ee Xeebaha Gobolka Sanaag Mr. Xuseen Cabdiraxmaan Sheekh Siciid Maydh, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warar sheegaya in xaalada Degmada ee maamulka iyo dadka ku Nool magaalada xiligan xagaaga ah liidato.
Maayar Xuseen oo weriye ka tirsan shebekada Araweelo News Network khadka Isgaadhsiinta kula xidhiidhay markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Baraf-dhaliyihii dhowaan xukuumadda Somaliland geysay halkaa u fadhiistay sababo maamul xumo, isla markaana xaalada nolosha ee dadka magaalada ay arrintaasi saamayn ku yeelatay, ayaa sheegay in aanay wararkaasi ahayn kuwo xaqiiq ah, wuxuuna ku tilmaamay kuwo ay faafiyeen dad ujeedo gaar ah ka lahaa.
Mr. Xuseen Cabdiraxmaan oo ka hadlaya arrimahaa, wuxuu yidhi, “waan maqlay warka la leeyahay waxa fadhiistay baraf-dhaliyihii Maydh, waa war aan waxba ka jirin oo dacaayad ah, waxaana faafiyay dad ujeedo gaar ah ka lahaa. Anigu waxan jooga hadda Magaalada Berbera, waxaan u imi Baraf-dhaliye kale oo loo wado Degmada Maydh, kaas oo aan rajaynayo inuu wax baddan ka beddelayo xaalada Nolosha dadka Kaluumaysatada ah oo markii hore dareemayay qiimaha oo qaali ku yar ahaa. Laakiin ma jiraan wax fadhiistay.” Ayuu yidhi.
Maayarka Maydh, wuxuu mar wax laga weydiiyay Lacagta Kabka ah ee dawlada Dhexe siiso degmada Maydh oo ka mid ah waxyaabaha lagu dhaliiyay iyo qadarka lacagtaa oo ay ku sheegeen 70 – 80 Milayan o lacagta Somaliland ah, taas oo ay sheegeen in aan la ogayn waxa lagu qabto iyo halka ay marto, balse, wuxuu Maayarku meesha ka saaray in lacagta kabka lasiiyo Dgemada Maydh sadexdii Bilood mar aanay ahayn intaa, isla markaana aanay ahayn lacag dadka loo qaybinayo ee hawsha maamulka iyo adeegyada Bulshada Degamada lagaga shaqeeyo.

“Lacgtu maaha intaa Kabka nala siiyaa sadexdii Bilood mar wuu ka yaryahay intaa, mana aha lacag dadka masaakiinta ah loo qaybinayo ee waxa lagu qabanayaa adeegayada iyo maamulka Bulshada deegaanka. Sidaa awgeed waxba kama jiraan wararka ay raggaasi faafiyeen, waxa keliya ee ay ka xun yihiin horumarka Degmada iyo deegaanka, waana Niman qayb ka ah Qaboojiye kale oo ganacsato leedahay oo yaal Xarshaw, sidaa awgeed waxan filayaa inay ka cadhoodeen markii ay maqleen in aanu Qaboojiye kale usoo wadno degmada, wayna jeclaayeen inuu fadhiisto Qaboojiyihii hore laakiin wuu shaqaynayaa ayaanu leenahay.” Ayuu yidhi Xuseen Cabdiraxamaan Sheekh Siciid oo u waramayay shebekada Araweelo News Network.

Maayarka Maydh wuxuu sheegay in dadku aanay waqtigan sidii hore uga xagaa bixin magaalada, kadib markii dhowaan laga sameeyay Degmada Barafdhaliyahaa, isla markaana la sameeyay oo dib u habayn lagu sameeyay xaruntii hore ee Mishiinada Laydhka, taas oo sida uu sheegay sababtay inay dad baddan oo hore uga xagaa bixi jiray magaalada ku negaadaan.

“ilaa 500 qoys ayaa hadda xiligan xagaaga ah ku sugan Maydh oo dadku sidii markii hore ay uga xagaa bixi jireen ugama baxaan kadib markii ay heleen adeegyo baddan oo ay u baahnaayeen” ayuu yidhi Maayar Xuseen, wuxuuna sheegay in kaluumaysatada Donayaha wadata ee dhinaca Dalka Yemen kaga iman jirtay xeebahaa yaraadeedn mudadii uu socday dagaalka Yemen.
“Maydh waxay u socotaa hore Xukuumadduna way noo dedaashay, waxaan helay mashaariic baddan oo degmada wax lagaga qabanayo wax ka mid ah dhismayasha wasaaradda Maaliyada, Qaboojiyaha Baraf-dhaliyaha iyo kii labaad oo aan hadda Berbera u joogo inaan ka qaado, sidoo kale lacag $ 1.3milayan ah waxaan ka helay mashuuraca Somaliland Development Fund SDF, waana waxyaabaha lagu horumarinayo adeegayada aasaasiga ah ee degmada ka mid ah mashruucaa Degmada Maydh Deked weyn iyo Xaruntii Gobolka ee Wasaarada Kaluumaysiga ,Bakhaar weyn oo lagu kaydiyo Kaluunka inta Suuqa laga gaynaayo Mashwuuracan oo ay ku baxayso lacag dhan 1,300,000 hal milyan iyo sadex boqol oo Dolar kaas oo bisha Sagaalaad ee sanad kan Sep 2015, la bilaabayo.” Ayuu yidhi Maayar Xuseen oo shebekada Araweelo News Network weydiisay inuu sharaxaad kooban ka bixiyo xaalada degmada Maydh ee uu Maayarka ka yahay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews