“Guri walba waa la diwaangelinayaa maanta, olole ayaana lagu jiraa, qofkii uu magac kale ku qoran yahay faylka gurigiisa ha yimaado oo ha wareejisto gurigiisa”

Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko)

Mr.SOLTELCO

Hargeysa (ANN)Maayirka magaalada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), ayaa amar ku bixiyey in la xidho qofkasta oo bixin waaya cashuuraha ku waajibay ee ku nool degmooyinka kala duwan ee caasimadda Somaliland.

Md. Cabdiraxmaan Solteeko oo hadal ka jeediyey kulan lagu qabtay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in dawladda hoose bilawday olole cashuur-ururin ah 15-kii bishan November 2015, sidaas darteedna, waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay iska bixiyaan cashuuraha si loogu qabto horumarka la hiigsanayo.

“Waxaynu u baahanahay dhaqaalihii aynu ku shaqayn lahayn, dadweynahana waxa aan leeyahay horumarku waxa uu imanayaa marka la bixiyo cashuurta, markaa waxa aan ka codsanayaa inay bixiyaan cashuurta, haddii ay bixin waayaana waa in la soo xidho, waxaanan leeyahay hawlwadeennada cashuuraha qaabilsan, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo booliskaba waa in la xidho dadka cashuuraha ku waajibay bixin waaya,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa.

Waxa kaloo uu farriin u diray dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalalka qurbaha, waxaannu yidhi; “Dadka qurbaha ku maqan ee guryaha ku leh Hargeysa, waxa aan u sheegayaa oo aan leeyahay soo dira cashuurta, kuwa kiraysanna waxa laga qaadayaa cidda kirada ugu jirta, waxaanan dadweynaha leeyahay waa inaad iska bixisaan cashuurta liisamada wixii aan bixin. Waa in la iska bixiyo cashuurta ardiyada ee guryaha, dhulka bannaan ama seesan iyo kuwa dayrka ah. Cashuurta guryaha la kala iibsaday waa in la bixiyo.

“Guri walba waa la diwaangelinayaa maanta, olole ayaana lagu jiraa, qofkii uu magac kale ku qoran yahay faylka gurigiisa ha yimaado oo ha wareejisto gurigiisa. Dadka haysta dhulka beeraha ah inta laga iibsaday maahee waa inay inta kale u hadhay cashuurta ka bixiyaan degmo kastoo ay yihiinba.

“Qof kasta oo la siiyey dan guud, haddii ay tahay mid la bixiyey maamuladii naga horreeyey ama waqtigayagii la bixiyey ee haysta dhulkii, isla markaana cashuuran waaya inta ka hadhay sannadkan 2015, dawladda hoose dib ayey ula wareegaysaa dhulkaas, waxayna u arkaysaa dhul qofku ka maarmay. Waayo qofka bani’aadamka ah ee dhul la siiyey haddii uu bixin waayo cashuurta waxay u muuqataa inuu ka maarmay wixii la siiyey,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380