Addis Ababa (ANN)Maayirrada magaalooyinka Hargeysa iyo Addis Ababa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo Md. Kuma Demksa, ayaa yeeshay kulan ay qodobo kala duwan kaga wadahadleen shalay.
Maayirka Addis Ababa, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maayirka Hargeysa oo safar ku jooga dalka Itoobiya, iyadoo labada masuul ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan magaalooyinka ay masuulka ka yihiin.
Wakiilka Somaliland ee Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye oo kulankaas goob-joog ka ahaa, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in maayirka Addis Ababa aqbalay casuumad maayir Solteco u fidiyey oo ah inuu booqasho ku yimaad Hargeysa, waxaannu warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan;
“Maayarka caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hawlo shaqo u jooga magaalo madaxda Itoobiya Addis Ababa, ayaa maanta (shalay) oo ay bishu tahay 18/12/2014 kulan aad u ballaadhan kula qaatay xafiiskiisa Maayarka magaalada Addis Ababa Mr. Kuma Demksa. Kulankan oo qaatay saacad iyo badh, maayirka Hargeysa-na uu wehelinayey Wakiilka Somaliland ee waddanka Ethiopia Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, waxay labada maayor kaga wadahadleen guud ahaan xidhiidhka laba dal ee wallaalaha ah ee Ethiopia iyo Somaliland, iyo gaar ahaan sidii iskaashi iyo xidhiidh wax wada qabsi u dhex mari lahaa dawladda hoose ee Hargeysa iyo Addis Ababa.
Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid wuxuu dhigiisa ka codsaday in dawlada hoose ee Addis Ababa wax kala qabato kordhinta tababarada iyo xirfadaha shaqaalaha dawlada Hoose ee Hargeysa, sida ururinta cashuuraha, dhisidda waddooyinka xaafadaha dhex mara ee dhagaxa la qoray ah iyo hagaajinta qorshaynta magaalada.
Maayirka Addis Ababa Mr.Kuma Demksa, ayaa isaguna aqbalay codsiyada Maayor Cabdiraxmaan Solteco, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay arrimahaas wax kala qaban doonaan dawlada hoose ee Hargeysa. Kulankan oo ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa, waxay labada maayir isla qaateen in la mataaneeyo labada magaalo madax ee Hargeysa iyo Addis Ababa.
Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa ugu dambayntii ku casuumay Maayarka Addis Ababa inuu booqasho ku yimaad magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, taasoo uu aqbalay maayirka Addis Ababa inuu booqasho ku iman doono Hargeysa.
Maayarka Hargeysa, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay hawlo shaqo u jooga dalka Itoobiya, isagoo ka soo laabtay socdaal shaqo uu ugu maqnaa xarunta dalka Kenya ee Nairobi,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Addis Ababa.
Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com