Araweelo News Network

xirsiHargeysa (ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku baaqay in si guud looga wada qaybqaato gurmadka loo fidinayo dadka iyo xoolaha ku nool degaannada Somaliland ee abaaruhu saamaynta xun ku yeesheen.
Hoggaamiyaha WADDANI Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in aanay muhiim ahayn in lagu mashquulo olole siyaasadeed xilli bulsho badan ku dhibaataysan yihiin abaaraha ka taagan Somaliland.
“Waxa ayaan-darro ah oo aan qirayaa in ay ayaan-darro qarankeena ku habsatay tahay in billo yar ka hor roob ka cabanaynay, haddana aynu maanta abaar ka cabanayno, iyadoo haddana wax yar ka hor abaartu dad laysay. Waxaynu leenahay waxa muhiim ah in aynu tashano qaranka oo sidii aynu ugu tashan lahayn falawgeed qabano in aynaan maalin walba ku jirin qayla-dhaan ee aynu talo uga gudubno,” ayuu yidhi Mr. Xirsi.
“Dawladda iyo xisbiyada qaranka waxaan ugu baaqayaa in wixii la hayo lala gaadho dadka iyo xoolaha dhibaataysan, wixii kalena loogu qayliyo dunida oo la gaadhsiiyo dunida. Macno ma laha in kaambayn (olole) siyaasadeed lagu mashquulo iyadoo dadka iyo xoolihii xaalkoodu meel xun marayo. Waxaan leeyahay ha loo kaco dadka oo ha loo gurmado.”
Hoggaamiyaha WADDANI, ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah gurmad loogu fidiyo dadka iyo xoolaha abaaruhu saamaynta ku yeesheen, waxaannu yidhi; “Waxaan jecelnahay in aan baaq ka dirno abaaraha saameeyey qaybo badan oo dalka ah iyo roob-yarida runtii xiligii la filayey dib uga dhacday, oo aan doonayno in aan dunida ugu baaqno dalka ugu baaqno, haddii ay tahay dadka reer Somaliland, haddii ay tahay xukuumadda, haddii kale oo ay tahay xisbiyada kale in aan dhammaan ugu baaqno in laga qayb-qaato abaaraha loo gurmado.
Annaguna xisbi ahaan anigoo ku haddlaya afkii Xisbiga,waxaannu ka qaybqaadan doonaa, una diyaar garoobaynaa sidii aanu uga qayb-qaadan lahayn, waxaanan jecelnahay in aan gaadhsiino dadka xisbiga WADDANI iyo dadka reer Somaliland ee danaynaya guud ahaan dadkaa dhibaataysan oo aan aaminsanay runtii intooda badan ee naxariistu ugu jirtaa in ay wada danaynayaan in ay ka qaybqataan, dadka muxsiniinta ah inay ka qaybqaataan oo ay qayb-libaax ka qaataan, dadka wax haystaa in ay ka qayb-qataan, xukuumadda oo ah masuuliyadda koowaad cidda ay ka saaran tay qaranka inay ka qaybqatado ayaannu ugu baaqaynaa.”
“Waxaanu jecelnahay in ha’yadaha caalamka iyo dunidu ay ka qaybqaataan gudaha iyo dibadda, waxaanan ugu baaqaynaa in abaaraha laga qaybqaato oo loo gurmado dadka iyo xoolaha tabaalaysan.
Waxa muuqata oo laga soo warinayaa dhacdooyin ay xoolihii baxayaan oo dadkii runtii ay noloshoodu halis gelayso, jiido badan oo bari iyo galbeed-ba leh ayaa laga soo waramayaa oo lagu sheegayaa abaarahaas, anaguna xisbi ahaan waxaannu qorshaynaynaa sidii aanu uga qaybqaadan lahayn mid degaanka jooga iyo mid halkan jooga iyo mid qurbaha jooga waxaanu leenahay ka qaybqaata, si xisbina waanu uga qayb-qadanaynaa, si fardi ahna waxaanu leenahay ha looga qaybqaato,” ayuu yidhi Hoggaamiyaha WADDANI.