Kulanka IGADMogadishu(ANN)Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ee ka socda Muqdisho oo maanta ka furmay Huteel u dhow xarunta Villa Somalia oo ay xalay u hoydeen Wasiira dibadeedka Urur Goboleedka Afrika, ayaa lagaga hadlay mustaqbalka Somalia marka la gaadho 2016 iyo waxyaabaha u qabsoomay muddadii ay jirtay xukuumadda Somalia.
Shirkaa oo ay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD, Madaxda Dawlada Somalia iyo wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo xubno kale wakiilo ka socda beesha caalamka.

 

Xubnaha IGAD ee Shirkaa  ka qaybgalay, ayaa kala ah, Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Ethiopia, Tedros Adhanan, Kenya Amina Mohamed, Sudanta Koonfureed Dr. Barnaba Benjamin, wasiiru dowlaha Arimaha Dibadda ee Uganda Asuman Kiyingi, Sii hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Djibouti Mahamud Ali Yusuf, halka Dalka Sudan uu shirka u matalayay sarkaal sare oo dowladda ka socday.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay furitaankii shirka, sidoo kale waxa  khudbado  ka jeediyay, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Tedros Adhanom iyo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Nicholos Kay.

Wafdiga ayaa intii ay joogeen Muqdisho waxa ay socod ku mareen qeybo ka mid ah Muqdisho,  iyadoo gpobaha la mariyay amaankooda aad  loo adkeeyay, waxayna Wasiiradda IGAD si nabadgelyaha ah uga dhoofeen maanta Garoonka Magaalada Muqdisho.

Raisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo soo xiray shirka ayaa sheegay in shirkani fursad muhiim ah u ahaa Soomaaliya oo markale dib usoo ceshatay sida uu  sheegay sumacadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka gaar ahaan dalalka IGAD.
mudadii uu socday shirku Inkasta oo amaanka magaalada aad loo adkeeyay, isla markaana ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia xidheen wadooyinka magaalada soo gala agagaarka u dhow goobta huteelka shirku ka socday, balse duqaymaha madaafiicda ah ee lagu garaacay halkaa, ayaan waxba ka beddelin xaalada iyo jawiga shirka marka laga reebo cabsi iyo wer wer ay ku abuureen ka qaybgalayasha.
Xarakadda Al-shabaab, ayaa sheegatay madaafiicda lagu garaacay goobtaa oo aan si dhab ah loo ogayn khasaaraha ay geysteen.

Xukuumadda Somalia ayaa xaqiijisay in shirkaasi diiradda lagu saari doono waxyaabaha u qabsoomay Dowladda Somaliya iyo dhamaystirka qorshaha loo jeexay ee mudada gaabani ka hadhay.
Shirka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Urur goboleedka IGAD ku qabtaan guddaha Somalia tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dawladii Somalia ee 1991-kii.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com