Araweelo News Network

koonfurtasuudaanAddis ababa(ANN)Hoggaamiyaal katirsan Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Koonfurta Suudaan ay ogolaatay in ciidamo shisheeye oo dheeri ah loo diro wadankaa. Kaddib dagaalo soo noqnoqday.

Hoggaamiyaasha xukuumaddaha Bariga Afrika, waxay sidaa ka sheegeen kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa caasimadda Ethiopia, kaas oo ay ku go’aamiyeen ciidamo loo diro magaalada Jubba Xarunta Koonfura Suudaan oo bishii lasoo dhaafay ay dib uga bilaabmeen dagaallo dhiig badan ku daatay.

Maxbuub Macalim oo ku magacaaban xog-hayaha Fulinta Urur goboleedka IGAD ayaa warbaahinta u sheegay in Silfa Kiir Miyaardiid oo ah Madaxweynaha Jubba uu ogolaaday ciidamo loo diro wadankiisa.

“Dadaal dheer kaddib dowladda Koonfurta Suudaan waxay ogolaatay in ciidamo nabad ilaalineed loo diro magaalada Jubba ayuu yidhi Maxbuub Macalim.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Suudaan Reyaak Maashaar ayaa horay u sheegay in ay kasoo horjeedaan ciidan lageeyo wadankaasi isagoo ku hanjabay in ciidamadoodu ay la dagaalami doonaan ciidamada shisheeye haddii ay cagta soo dhigeen goobaha lagu dagaallamayo.

In kabadan 300 oo qof ayaa lagu dilay dagaallo culus oo Bishii July ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Jubba waxaana guul darreystay dhammaan dadaalo ay Q.Midooby iyo Ururka Midowga Afrika ay ku doonayeen in lagu dhax dhaxaadiyo dhinacyada collaadu ka dhaxayso ee ku loolamaya talada dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Hay’addaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa faafiyay warbixino ay ku sheegyaan in dad ka badan toban milyan oo qof ay qarka usaraanyihiin in ay u dhintaan macluul iyo cudurro ka dhashay dagaallada sokeeye.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka go’ay dal weynaha Suudaan badhtamihii sanadda 2011, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay uu wadanku faraha lagalay dagaal sokeeye. Kaddib markii Madaxweyne Silfa Kiir Miyaardiid shaqada ka eryay ku xigeenkiisii.