Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow)

Warkan ayaa lagu shaaciyay bayaan uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee Sonna.

Warka Sonna ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu go’aankan gaadhay kaddib markii uu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, wadatashina uu la sameeyay, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed, ayaa arrintiisa sii xoogaystay ka dib markii  Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan gobolka Banaadir ay xalay sheegeen in ay Guddoomiye u doorteen Taabid Cabdi Maxamed labada sano ee socota.

 

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir oo Warbaahinta u akhriyay War kasoo baxay kulankii lagu doortay Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in uu noqon doona Hoggaamiyaha gobolka Banaadir, islamarkaana uu diyaarin doono doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa waxaa doortay sidda la sheegay 70 xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka, kuwaa oo laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.

Thaabit Cabdi, ayaa waxaa kuxigeen u noqonaaya Cabdullaahi Xaaji Ereg, oo markii horeba ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Dad badan oo ka mid ah kuwa Siyaasadda Soomaaliya la socda ayaa sheegay in Khilaafka Cad ee ka dhex jira maamulka gobolka Banaadir iyo Madaxtooyadda uu sameyn ku yeelankaro Amniga iyo Sidoo kale Xasiloonida gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi ayaa Doorashada uu xalay sameeyay waxaa la sheegay inuu kaga gaashaamanayay in xilka qaadis lagu sameeyo, kadib markii maalmahan ay hadal heyntaas taagneyd.

Waxgaradka Magaalada Muqdisho ayaa wacad ku maray in aanay aqbali doonin in Taabid xilka laga qaado oo keligii uu baxo, iyadoo ay jooggaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Ciidamada Ammaanka ayaa shalay iyo ilaa xalay si weyn u xaqiijiyay Amniga Magaalada Muqdisho si looga hortaggo Banaanbaxyo rabashado wata oo ka dhaca Muqdisho, waxayna Ciidamadu maanta markii ay soo baxday xilka qaadista gudoomiyuhu la wareegeen Xarunta maamulka Muqdisho.