Araweelo News Network

milateriga somalia
Muqdisho (ANN) Wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters, ayaa baahisay shalay in hub dawladda taagta daran ee Soomaaliya la soo degtay dhowaan lagu kala iibsanayo haatan suuq madow gudaha magaalada caasimadda ee Muqdisho.
Warkan oo wakaaladdu xustay inay ka soo xigatay laba diblomaasi aanay magacyadooda shaacin, waxa lagu sheegay in hubka dawladda ee suuqa madow lagu kala iibsanayaa tahay tallaabo xadgudub ku ah go’aankii Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay cunaqabaynta hubka kaga qaaday maamulka Muqdisho sannadkii 2013kii.
Sidoo kale, sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Muqdisho, ayaa u xaqiijiyey wakaaladda inuu jiro hub dawladda laga xaday lagu kala iibsado suuqyada magaalada Muqdisho.
“Ma dafirayo anigu in ay jiraan waxoogaa xaalado ah oo dhinacayaga ka dhaca [hubka ka baxay gacanta dawladda], laakiin joogto ma aha.” Sidaa waxa yidhi Aweys Xaaji Yuusuf oo Madaxtooyada Muqdisho ka tirsan oo u warramay Reuters shalay.
Dhanka kale, saraakiisha Qarammada Midoobay oo wakaaladda wararka ee Reuters wax ka weydiisay fadeexadda la xidhiidha iibka hubka dawladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan arrintaas.