Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu shaaciyay guddi loo magcaabay munaasibada 18 May ee sannadkan loo qorsheeyay in lagu ururiyo dhaqaale dadka abaartu saamaysay ee Somaliland wax loogu qabanayo.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda, ayaa u qornaa sidan:-
“Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 26aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas sannad kasta gobollada dalka oo dhan laga sameeyo dabaal-deg baaxad leh.

Haddaba, waxa ii muuqata in sannadkan 2017-ka uu ka duruuf iyo marxalad duwan yahay kuwii hore, maadaama ay dhacday abaar ba’an, isla markaana ay jiraan bulsho badan oo ka mida muwaadiniinta Somaliland oo ilaa hadda la il-daran diifta ay abaartu sababtay. Haddaba;

Markaan Arkay: In duruufta abaartu keentay gaadhay heer ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba;

Markii Aan Tixgeliyey: Dareenkii Bulshada Somaliland ee tibaaxayey in ay habboon tahay in sannadkan dabaal degga 18-ka May loo beddelo gurmadka dadka tabaalaysan;

Markii Aan Qiimeeyey:iNuxurkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Lr. 219, ee qabsoomay 20/04/2017, ee ujeeddadiisu ahayd in dabaal-degga 18-kan May loo beddelo Gargaarka iyo Gurmadka dadkeena abaaruhu tabaaleeyeen;

Waxaan Go’aamiyey;

1. in Xuska 18-ka May ee sannadkan 2017-ka loo beddelo Taakulaynta iyo Taageerada Bulshada ay abaaruhu saamaayeen.

2. Waxaan idiin magacaabay Guddida Gargaarka iyo Gurmadka Bulshada Somaliland ee Abaaruhu Tabaaleeyeen, oo ka shaqayn doonta hawlahan:

B) Qaadhaan Uruurin socon doonta ilaa 26-ka bisha June, 2017-ka.

T) Diyaarinta Mashaariic lagu horumarinayo dadka tabaalaysan.

J) Qorshaynta iyo qaybinta mashaariicdaas si ay uga soo kabtaan duunyo la’aanta, diihaalka iyo diifta abaartu reebtay.

Sidaa darteed, waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo bini’aadannimo iska saari doontaan gargaarka iyo gurmadka bulshada Somaliland ee abaaruhu tabaaleeyeen.

Guddida La magacaabay:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Guddoomiye
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku-xigeen

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin

Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xubin

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xubin

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Xubin

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xubin

Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa Xubin

Ku: Mudane, Maxamed Shugri Jaamac (Rugta Ganacsiga) Xubin

Ku: Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahin (Rugta Ganacsiga) Xubin

Ku: Mudane, Maxamuud Cabdi Jaamac (SOLJA) Xubin

Ku: Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (Sonsaf) Xubin

Ku: Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Sonsaf) Xubin

Ku: Mudane, Cumar Cismaan Miigane (Sonyo) Xubin

Ku: Mudane, Cabdi-shakuur Sulub Xirsi (Sonyo) Xubin

Ku: Marwo, Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed (Sonyo) Xubin

Ku: Marwo, Ismahaan Cabdi-salaan Xassan (Nagaad) Xubin

Ku: Mustafe Axmed Xassan (Nagaad) Xubin

Ku: Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi (Guddida Abaaraha) Xubin

Ku: Sheekh Maxamed Aadan Muxumed (Guddida Abaaraha) Xubin

Ku: Mudane, Cabdi-naasir Yuusuf Cismaan (Xisbiga UCID) Xubin

Ku: Mudane, Cabdirashiid Xassan Maxamed (Xisbiga UCID) Xubin

Ku: Mudane, Jamaal Jaamac Xaamud (Xisbiga WADDANI) Xubin

Ku: Dr. Axmed Aadan Buuxane (Xisbiga WADDANI) Xubin

Ku: Sheekh Maxamed Cali Geedi (Xisbiga WADDANI) Xubin