Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo photofile Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa ka hadlay dilka Taliyihii Ciidanka Burmadka ee Gobolka Saaxil, Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo) oo shalay askari ka tirsan Ciidanka toogasho ku dilay, kaas oo Maxkamadda Ciidanku maanta ku riday xukun toogasho ah.
Dhanbaal Tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenka, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka Gobolka Saaxiil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo 17-12-2015 uu Askari ka tirsan Ciidanka Boolisku ku diley Magaalada Berbera.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo Ciidamada Qarankana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.” ayaa lagu dhanbaalka Madaxtooyadda.

Dhinaca kale Maxkamadda ciidamada, ayaa saaka barqadii dil ku xukuntay askarigii dilay Allah ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Birmadka ee Magaalada Berbera Marxuum Aadan Guuleed Daahir oo lagu naanaysi jiray (Talaabo), waxaana xukunka lagu riday askariga dilka geystay u xaqiijiyey Warbaahinta Badhasaabka Gobolka Saaxil, Faami Bidaar.
Rabshado, ayaa ka dhacay dilka Sarkaalkaa shalay Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, waxaana ay Boolisku xidheen dhawr qof oo shacab ah sida uu sheegay Badhasaabka Saaxil.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380