Addis Ababa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahad celiyay sida ay dawladda Federaalka ah ee Ethiopia u qaabishay, kadib safar Madaxweynaha Somaliland iyo wefdi uu hoggaaminayaa ku tageen shalay magaalada Addis Ababa ee Caasimada Ethiopia.

Qoraal Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa lagu yidhi sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdigiisu, waxa ay uga mahadcelinayaan Dawladda Federaalka iyo shacabka Ethiopia sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.

Sidoo kale, waxa lagu sheegay qoraalkaa in Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee  geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka. Balse wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkooda.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.